Dalka Sucuudiga Oo Maanta Si Weyn Looga Daawanayo filimka Black Panther

Sacudi Carabiya ayaa sii deysay filimkii ugu horeeyay oo laga baahiyo goob fagaare ah ku dhawaad 40 sano, Tikityada lagu galayo filimka Black Panther oo la daawanayo maanta ayaa laga iibsaday online ka hor dhowr daqiiqo .

 

 

Xayiraada saarneyd shineemooyinka oo horey loo sheegay inay tahay wax diinta kasoo horjeeda ayaa laga qaaday Sucuudi Carabiya sanadkii lasoo dhaafay.

 

Waxa ayna tallaabadan qeyb ka tahay isbadelada uu ku dhawaaqay inuu ka hirgalinayo dhaxal sugaha Sucuudi Carabiya Amiir Maxamed dalkaasi.

 

 

Sanadkii la soo dhaafay ayaa la arkayay bilowga olole balaaran oo lagu doonayay in lagaga dhigo Sucuudiga wadan leh xeebo loo dalxiis tago, taas oo ka mid ah qeybaha ugu muhiimsan ee hiigsiga 2030 ee dalkaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker