Baadheyaal Caalami ah Oo Gaadhay Magaalada Duuma ee Suuriya

Wasaaradda arimaha dibadda ee Ruushka ayaa sheegtay in khubarada caalamiga ah ee hubka kiimikadu ay ugu dambayntii gaadheen goob ku taal dalka Suuriya oo la tuhunsanyahay in hub kiimika ah lagu riday.

Wasaaraddu waxay intaa ku dartay in kooxdaas oo ka socota hay’adda caalamiga ah ee ka hortagga hubka kiimikada ahi ay ka boqooleen magaalada Dimishiq oo ay gadheen magaalada Duuma. Dalalka reer galbeedku waxay sheegeen in dawladda Suuriya weerarro xaga cirka ah oo ay u adeegsatay hub kiimiko ah ku qaaday magaaladaa 7 Abriil, halkaas oo ay ku dhinteen dad badani.

Suuriya iyo Ruushka oo haatan gacanta ku haya Duuma oo fallaagadu ka baxeen, ayaa se arintaa beeniyey.Maraykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa duqeeyey xero dawladda Suuriya leedahay, arrintaas oo ay sheegeen in ay kagaga falcelinayeen weerarro hubka kiimikida ah loo adeegsaday oo la sheegay in ay ku dhinteen 40 qof oo ay ciidamada Suuriya ku qaadeen Duuma.

Kooxdan baadhayaasha caalamiga ah oo ka kooban sagaal xubnood ayaa markii hore la filayey in ay magaaldaas tagaan Arbacadii, laakiin waxa hakiyey socdaalkooda kooxda u qaabilsan Qaramada Midoobay qiimaynta xaaladda nabadgelyo ee goobaha ay booqanayaan shaqaalaheedu oo qudhoodii tacshiirad lagu furay mar ay halkaa ka war dooneen Salaasadii.

Saraakiisha reer Galbeedka ayaa iyaguna ka cabsi qaba in caddaymaha muujinaya hubka kiimikaad ee la tuhunsanyahay in halkaa lagu garaacay la baabiiyey intii aanay kooxdan baadheyaasha ahi gaadhin ba ka hor.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker