Hadalhaynta Xildhibaankii uu Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu Ka Saarey Fadhiga iyo Sida ay ugubka Ugu Tahey Hogaaminta

Hadalhaynta Xildhibaankii uu Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu Ka Saarey Fadhiga iyo Sida ay ugubka Ugu Tahey Hogaaminta Golaha

Kadib Markii uu tabasho la muujiyey, Fadhigii Golaha Wakiilada Somaliland ee Maanta Mudane Katirsan Xubnaha Laga Soo Doortey Gobolka Sanaag Xildhibaan Ibraahim Cali Jaamac, oo laga Reebay innuu doodiisa ka dhiibto Waxaa hadalhayntiisu Ku Gaadhay Falanqeyn Ay Dadweynuhu ku Naaqisheen Qaabka uu ula dhaqmey Gudoomiye Khaliif, oo aheyd Talaabo Ku Cusub Maadaama aannu Mudanuhu Dagaalamin Haseyeeshee, uu Codsigiisa Dhiibtey.

Sida ay u badan tahey, Arimaha lagaga Falceliyay Qaabka Gudoomiyuhu ula dhaqmey Mudanaha Waxey Qeyb ka noqonaysaa, khaladaad joogto ah, oo habdhaceedu uga Soo baxey Si kadis ah Laakiin, aann Wali Waxba kaga soo Noqonin iyaddoo aanney Wali Cadeyn Sida ay Mudanayaashu ugu ururinayaan Khaladaadka Sharci ee hogaamintiisa Golaha.

Sikasta oo ay Tahey, Waxa Kale oo iyadduna Wali halxidhaale ku ah, Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland Talaabada ay ka qaadi doonaan Gudoomiye Khaliif iyo Cida ay Ku badeli doonaan hadii ay isku dayaan inney Xilka ka Xayuubiyaan Marba haddii ay jirto inney ulo booc ah ugu Tukubayaan Sida ay uga Warqabaan Innuu qarsanayo, Mawqifka ay u badan yihiin taageeradiisa ee Furista Ururada Siyaasada, oo Xagiisa Ku adag.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker