Xukuumada Somaliland Oo Samaynaysa Ciidan Gaar ah Oo La Dagaalanka Mukhaadaraadka
Xukuumada Somaliland ayaa ku dhaaqday in ay as aasayso ciidan gaar ah oo loogu talo galay la dagaalanka mukhaadaraadka, sida sharci darada ah loo soo galiyo gudaha Somaliland.
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay as aaska ciidankan, oo noqon doona laan ka kamid ah booliiska, oo leh hogaan iyo dhisme gaar ah.
Waxaanu yidhi. โWaxa la abuurayaa hogaan la dagaalama mukhaadaraadka, hadaba waa lala dagaalamaa, laakin ciidan gaar ah iyo qalab koodii in la sameeyo, imika waxaynu sifiican ula soconaa in ciidanka booliisku sifiican ugu guulaysteen wax ka qabashada khamriga, xashiishada iyo waxyaanaha noocaasaโ
Wasiir Kaahin isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray.โWaxaanu samaynaynaa booliiska bulshada, waanu samaynay, waanu ku guulaysanay, waana nu balaadhinaynaโ
Ciidamada booliiska Somaliland ayaa dagaal joogto ah kula jira mukhaadaraadka ay ugu horeeyaan khamriga iyo xashiishada oo badan kooda si sharci daro ah looga soo galiyo xuduuda Itoobiya.