Magaaladda CEERIGAABO Ayaa laga dhagax-dhigay Dhismaha Madaxtooyo Cusub

Ceerigaabo:(OWN)- Magaaladda Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag,waxa gaadhay wafdi ka tirsan Xukuumadda Somaliland,gaar ahaana saraakiisha Madaxtooyadda oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Somalilan iyo Af-hayeenka Madaxweynaha.

Waxaanay Halkaas ku dhagax-dhigeen Dhismaha Madaxtooyo ay yeelan doonto Magaaladda Ceerigaabo.

Agaasimaha Madaxtooyadda Maxamed Cali Bile,ayaa sheegay in Dhismahani ka mid yahay Mashaariicda Horumarineed ee ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi Sannadkan u qoondaysay Gobolka Sanaag.

Qoraal kooban oo uu agaasimuhu bahiyay ayaa waxa u dhignaa sida tan; “Waxa an maanta dhagaxdhignay Dhismaha Guriga Madaxtooyada ee Magaalada Cerigaabo. Dhismaha guriga ayaa ka kooban laba dabaq oo ku fadhiya dhul baaxaddiisu leegtahay 40,000M2. Dhulkaasi waxa ku deeqey muwaadinka la yidhaahdo Ibraahim Axmed Kuutiye.

Xafladda dhagaxdhigga waxa ka soo qaybgalay Afhayeenka Madaxweynaha, Maxamuud Warsame Jaamac, Badhasaabka Gobolka Sanaag, Maxamed Axmed Caalin, Tiimbaro, Maayarka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, Ninka dhulka bixiyey, taliyayaasha Ciidamada kala duwan iyo hoggaamiyayaal bulsho.

Tani waa mid ka mid mashaariicda ay xukuumaddu sannadkan u qorsheysey Gobolka Sanaag.”

Ayuu yidhi Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland,Maxamed Cali Bille.

Image may contain: cloud, sky, car, tree and outdoorImage may contain: 4 people, including Mohamed Ali Bile, textImage may contain: outdoorImage may contain: sky, house, tree, plant, cloud, grass and outdoorImage may contain: cloud, sky, car, tree and outdoor

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker