Taiwan oo Magacowday Wakiilka u Fadhiyi Doona Somaliland

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan, ayaa maanta soo magacowday Wakiilka Dalkaas u fadhi doona   Somaliland.

Wakaaladda Wararka ee Taiwan oo baahisay in danjire Lou Chen-hwa oo hore u ahaa Wakiilkii Xafiiska Ganacsiga iyo Dhaqanka ee Taiwan ku leedahay Sucuudiga, loo magacaabay inuu noqdo Wakiilkooda cusub ee JSL.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan, Joanne Ou, ayaa xaqiijiyey magacaabistan,waxaanu intaas ku daray in afar diblomaasi oo Taiwan ka socday oo booqasho ku tagay JSL bishii Feberwari ee Sannadkan ay diyaariyeen qorshaha furista Xafiiskaas.

 

Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda JSL ayaa qoraal ay ku baahisay barteeda Twitterka ku sheegtay inay soo dhaweynayaan Wakiilka Taiwan uga hawlgeli doona Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxwynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Arbacadii sheegay inuu ku faraxsan yahay cilaaqaadka iyo wax wada qabsiga u bilaabmay JSL iyo Taiwan, waxaanu intaas ku daray in degdeg loo magacaabi doono Wakiilka Somaliland u fadhiyi doona Taiwan.

Danjire Lou Chen-hwa

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker