Ilhaan Cumar Oo Markale Ku Guuleysatay Doorashada Aqalka Hoose Ee Mareykanka

Ilhan Cumar ayaa mar kale ku guuleysatay xubinnimada Aqalka Wakiillada Mareykanka, kaddib markii ay la tartantay musharrax ka socday xisbiga Jamhuuriga.

 

Ilhan Cumar ayaa markii labaad ku guuleysatay aqalka Koongareeska gobolka 5-aad ee Minneapolis.

Ilhan Cumar oo 38 jir ah ayaa ka guuleysatay ganacsade Mareykan ah Lacy Johnson, 64.6 boqolkiiba codadka iyada oo heshay 25.9 boqolkiiba, sida ay qortay wakaalada wararka ee Associated Press iyadoo la tiriyay boqolkiiba 99 codadka.

 

Ilhan waa qofkii ugu horreeyay ee Soomaali Mareykan ah ee ka tirsan Koongaraska Mareykanka waana mid ka mid ah labadii haween ee ugu horreeyay ee Muslim ah ee loo doorto Koongareeska sannadka 2018-ka.

 

Halkan hoose ka daawo Khudbadii ay jeedisay kadib markii ay guulaysatay.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker