Dawladda Ukraine oo qirtay in muwaadiniin u dhashay dalkeeda ay saarnaayeen diyaaradii u gacan gashay al Shabaab

Afar ruux oo u dhashay dalka Ukraine ayaa la sheegay inay saarnaayeen diyaarad nuuca qumaatiga u kacda ah oo Arbacadii cagadhigatay deegaan ay maamulaan ururka al Shabaab, sida ay sheegtay wasaaradda arimaha dibadda ee Ukraine.

“Muwaadiniinteenu waxay kamid ahaayeen shaqaalaha diyaarad u hawlgalaysay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya…Jinsiyadu waa la xaqiijiyay,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Ukraine oo qoraal ku daabacay Facebook.

Diyaaradda oo u shaqayneysay Qaramada Midoobay ayna saarnaayeen sagaal ruux ayaa hawlgal caafimaad oo ay dhaawac uga soo daabuleyso furimaha dagaalka ee Galmudug ugu socotay magaalada Wisil, balse cilad farsamo darteed ku qasbanaatay inay hoobato meel u dhaw deegaanka Xiidheere oo ay ka arimiyaan al Shabaab.

Afhayeenka u hadlay Ukraine ayaa sheegay in diyaaradda ay lahayd shirkad gaar loo leeyahay oo qandaraas ka haysata Qaramada Midoobaay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker