Taliban oo sheegay inay dileen 40 ka mida fallaagada ka dagaalaysa Woqooyiga Afghanistan

iidamada ammaanka ee Taliban ayaa sheegay inay qaadeen weerar ballaadhan oo sifayn ah oo ka dhan ah kooxaha mucaaradka ee ku sugan qaybo ka mid ah gobolka Panjshir ee woqooyiga dalkaasi, halkaas oo ay ka socdaan rabshado kala duwan.

Ciidamada ammaanka ayaa sheegay inay dileen tobanaan ka mid ah kooxaha halkaas ku sugnaa, halka ay soo xidh-xidheen xubno badan.

Afhayeenka guud ee Taliban Zabihullah Mujahid ayaa arbacadii VOA u sheegay in hawlgalkan lagu xoojinayo ammaanku inuu ka dhacay saddex degmo oo ka tirsan gobolka buuralayda ah, si looga hortago “fallaagada” halista ku haya ammaanka guud ee dalkaas.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray inay hawlgalka laga fuliyey Rekha, Dara iyo Afshar oo ka tirsan gobolka Panjshir in lagu dilay illaa 40 xubnood oo fallaada ka tirsan halka gacanta lagu soo dhigay in ka badan 100 xubnood oo kale.

Dadka dhaleeceeya ururka Taliban ayaa sheegay in weerarkan ay ku qaadeen fallaagada inuu muujinayo in ururka Taliban uu la halgamayo sidii ay u xakamayn lahaayeen kooxda sheegatay “Kooxda Iska-Caabbinta Qaranka” ee loo soo gaabiyo NRF, kuwaas oo ka soo horjeeda ururka Taliban.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker