Turkey oo shaacisay in Russia iyo Ukraine ay ku dhow yihiin heshiis

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkey ayaa wareysi uu bixiyay Axaddii ku sheegay in Russia iyo Ukraine ay ku dhow yihiin in ay ka heshiiyaan arrimaha muhiimka ah, wuxuuna muujiyay raja ah in xabbad-joojin la gaari karo, waa haddii buu yidhi, aanay  labada dhinac ka laaban horumarka ay ilaa hadda gaareen.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov iyo dhiggiisa Ukraine Dmytro Kuleba ayaa horraantii bishan ku kulmay magaalada Antalya, iyadoo wasiirka arrimaha dibadda ee Turkey Mevlut Cavusoglu uu isna kulankaasi ka qeybgalay. wadahadalkaasi ayaan dhalin wax natiija ah.

Laakin Cavusoglu oo toddobaadkii hore tagay Russia iyo Ukraine wada-hadalna la yeeshay Lavrov iyo Kuleba ayaa u sheegay wargeyska Turkish-ka ah ee Hürriyet Daily in ay jirto isku soo dhowaansho ay labada dhinac ka muujiyeen halkii ay markii hore ka kala joogeen arrimaha muhiimka ah.

Afhayeenka madaxtooyada Turkey Ibrahim Kalin, oo la hadlay TV-ga Al-Jazeera ayaa sheegay in labada dhinac ay isaga soo dhowaadeen afar qodob oo muhiim ah.

Waxa uu soo qaatay dalabka Ruushka ee Ukraine ka tanaasusho doonisteeda ah in ay ku biiraan NATO, hubka dhigis, waxa Russia ay ugu yeerto in Naaziyiinta laga saaro dalkaasi, iyo ilaalinta luqadda Ruushka ee Ukraine.

Ciidamada Russia ayaa ku duulay Ukraine 24-kii bishii hore. Madaxweyne Vladimir Putin ayaa ugu yeeray duullaanka in uu yahay “howlgal gaar ah”, oo looga dan leeyahay in hubka looga dhigo Ukraine uuna ka sifeeyo waxa uu u arko kooxo khatar ah. Laakin Ukraine iyo reer galbeedka ayaa ku eedeeyay Putin in uu doortay duullaan gardarro ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker