Wakiilka Qaramda Midoobay ee Soomaaliya oo Muqdisho yimid

Muqdisho (OWN) –Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan arimaha Soomaalida  ahna Madaxa Xafiiska Hawlagalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Somaliland , James Swan ayaa maanta soogaadhay Muqdisho.

 

James Swan ayaa maanta yimid Muqdisho is uu ula wareego waajibaadka xilkiisa isagoo ah Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM (SRSG) u qaabilsan Soomaalida ahna Madaxa Xafiiska Hawlagalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Diblomaasiga rug-cadaaga ah, ee u dhashay Dalka Maraykanka, ayaa xilkan loo magacaabay 30kii May 2019 wuxuuna Qaramada Midoobay kusoo biirinayaa khibrad baaxad ballaadhan uu u leeyahay dalalka Afrika ee Saxaraha ka hooseeya.

 

Hawshii ugu horeysay ee uu ka qabto Arrimaha Soomaalida  waxay ahayd 25 sano ka-hor markas oo uu ahaa Sarkaal qaabilsan Arrimaha Siyaasadda oo ka tirsanaa Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Soomaalidaa sanadihii 1994kii ilaa 1996kii.

 

Waqtiyadii u dambeeyay, Md. Swan ayaa shaqaynayay isagoo ahaa Ku-xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika muddadii 2007dii-2008dii, wuxuu soo noqday Danjiraha Dowladda Mareykanka u qaabilsan Djibouti muddadii u dhaxaysay 2008dii iyo 2011kii, wuxuu sidoo kale soo noqday Wakiilka Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya 2011kii ilaa 2013kii. Wuxuu soo dhameystay xirfadiisii shaqo ee uu ka hayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee uu ka ahaa Danjiraha Mareykanka u qaabilsan Jamhuuriyadda Dimoqoraadiga Congo, isagoo xilkaas hayay laga billaabo 2013kii ilaa 2016kii.

“Waxaan rajeynayaa in mar kale aan la shaqeeyo dadka Soomaaliyeed ee adkeysiga leh oo aan si iskaashi leh ula shaqeeyo madaxdooda,” ayuu yidhi.

 

Md. Swan. “Khibradeydii hore ee Soomaaliya waxay ahayd mid khusaysay xil laba-geesood ah, laakiin hadda waxaa sharaf ii ah oo mas’uuliyad iga saarantahay in aan dalka wakiil uga noqdo Qaramada Midoobay, iyo weliba guud ahaan beesha caalamka. Waxaan ku faraxsanahay wada-shaqaynta aan la yeelanayo saaxiibada dalka iyo kuwa caalamka si loo gaaro horumar waara oo ku aaddan nabadda iyo barwaaqada ay sida aadka ah u mudanyihiin dadka Soomaaliyeed.”

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker