Saddex Madaxwayne oo ka soo wada jeeda Beesha Abgaal oo Abaabulay Shir ay isugu Yimaadaan Beesha Mutulood

Muqdisho (OWN) – Madaxweyneyaashii hore ee Soomaalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cali Mahdi, ayaa Abaabulay shir muhiim ah oo ay isugu imaanayaan Siyaasiinta, Aqoonyahaanka iyo Waxgaradka beelaha Mudulood. (HAWIYE)

 

 

Warbaahinta ayaa heshay  Xog sheegeysa in saddexdan Madaxweyne ay la kulmeen Imaamka iyo Odayaasha kale islamarkaana ay ku qanciyeen Shirkan oo ay ku tilmaameen mid muhiim ah.

 

“Waxaa noo yeedhay Madaxweynayaashii hore, waxayna sheegeen in ay muhiim tahay in Mudulood isugu yimaado kulan deg deg ah oo mustaqbalkooda Ay kaga Tashanayaan , waana la isku waafaqay” ayuu yidhi mid kamid ah Odayaasha dhaqanka Mudulood oo la hadlay  Warbaahinta.

 

“Imaamka oo u dhaw madaxda qaranka ayaa isku dayay in uu hor is-hotaago laakiin waa lagu qanciyay waana ogolaaday, maalmaha soo aadan ayuuna qabsoomi doonaa” ayuu Caasimada Online u sheegay mid kamid ah odayaasha Mudulood oo kulamadaas qeyb ka ahaa.

 

Haddii uu kulan dhaco, sida la filayo maalinta Axadda, waxa uu noqonayaa kii nuuciisa ugu horreeyay oo ay beelahaan yeeshaan muddo dheer kadib, waxaana sidoo kale uu wataa saameyntiisa siyaasadeed.

Soomaaliya ayaa hadda galeysa marxaladda kala guurka ah, waxaana socda diyaar garow doorasho oo ay wadaan beelaha siyaasiinta Soomaaliyeed oo loolan adag ku jira.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker