Wasiirka Maaliyada Somalia oo Washington kaga Qeyb-galaya Shirka Deyn Cafinta Somaliya.(Sawiro)

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa lagu wadaa in galinka danbe ee maanta ku soo bandhigo hormarka isbadalka maaliyadda ay gaartay iyo baahida ay u qabto in laga cafiyo deymaha.

Dr Beyle oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ku sugnaa magaalda Washington ee dalka Mareykanka oo u ka socdo shirka sanadlaha ee hay’adda lacagta aduunka IMF iyo Bangiga Aduunka ayaa kulamo looga hadlayo deyn cafinta kula yeelanaya madaxda hay’adaha Maaliyadda ee ka qeyb galaya shirkaas.

Wasiir Beyle ayaa hadal ka jeedin doona shirka looga hadlayo Hormarka lag gaaray dib u habeynta dhaqaalaha Soomaalia iyo maamulla maaliyadda dowladda Federaalka ayaa lagu wadaa inuu la wadaago madaxda ka qeybgaleysa shirkaas iyo muhiimadda Soomaaliya ay u leedahay cafinta Deymaha lagu leeyahay Soomaaliya, oo haddi ay ku guuleysto u horseedi karta hormar balaaran.

Dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda ayaa kulamo miro dhal ah la yeeshay masuuliyin ka soctay Bangiga Aduunka oo horkacayey Hafez Ghanem oo ah Madaxweyna ku xigeenka Bangiga Aduunka ee Qaaradda Africa, waxaan Wasiirka Maaliyaddu u la wadaagay saraakishaas, sida ay Soomaalia uga go’antahay inuu Bangiga Aduunka ay kala shaqeeya dadaalada hormarinta ee Soomaalia, iyadoo inta uu socday kulankaasna la isla qiray dadaalka wasaaradda Maaliyaddu ugu jirto ka miro dhalinta dib u habeynta dhaqaalaha iyo deyn cafinta.

Wasiirka Maaliyadda ayaa waxa shirkan ku wehliya masuuliyin ka socotay wasaaradda iyo Bangiga dhexe ee dalka waxaana la filayaa in kulamo kale ay la qaataan masuuliyiinta hay’adaha iyo ururada caalamiga ee quseyso cafinta deymaha lagu leeyahay Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker