Dhagaysiga dacwadda loo haysto Sheegow oo Muqdisho ka bilaabatay

Maxkamad ciidan oo ku taala magaalada Muqdisho waxa maanta ka bilaabatay dhagaysiga dacwadda loo haysto Sheegow Axmed Cali iyo koox ilaaladiisa ah oo dagaal la galay ciidanka amaanka bishii August ee sanad kan.

Xafiiska Xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ayaa dacwad ku soo oogay sarkaalka iyo ilaaladiisa kaddib markii dagaal culus ay la galeen ciidamada ammaanka 18 kii illaa 19 kii August, markaas oo ugu dambeyn Sheegow iyo ciidankiisa laga adkaaday, lana soo xiray.

Dagaalka waxa ku dhintay 3 qof oo uu midkood ka tirsanaa ciidamada ammaanka, halka 7 kalena ay ku dhaawacmeen sida ay Boolisku sheegeen.

Xariga Sheegow iyo illaaladiisa kaddib waxa Muqdisho ka dhacay dibad baxyo looga soo horjeeday xarigiisa, oo ay dhigayeen dad ay hayb ahaan wadaagaan sarkaalka iyo ciidan kiisa.

Muddo labo bilood iyo todobaad kaddib maanta ayaa markii ugu horreysay maxkamad ciidan la horgeeyay Sheegow iyo Ilaaladiisa, waxana la filayaa in muddaba uu socdo kiiskan maadaama dad badan la maxkamadeynayo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker