Boqortooyada Sucuudiga oo Isku Dayaysa inay Dagaal dhanka Saliida ah La gasho Maraykanka

Sacuudi Carabiya ayaa ka fakareysa halkii ay u weecin lahayd malaayiin barmiil oo saliid caydhiin ah, oo saaran maraakiibta  saliidda qaada.

 

Oo ku wajahan Mareykanka, haddii madaxweyne Trump uu mamnuuco saliida laga soo dhoofiyo boqortooyada.

 

 

Qiyaastii 40 milyan oo barmiil oo ah saliid Ceedhin oo Sacuudiga laga keenay ayaa iminka ku wajahan Mareykanka.

 

 

waxaana la filayaa inay gaadhaan maalmahan soo socda, taasi oo cadaadiska kusii kordhin doonta suuqyada oo markii horeba buux dhaafiyey.

 

 

Saraakiisha Mareykanka ayaa dhowaan sheegay in Washington ay ka fakareyso inay joojis saliidda cayriin ee laga soo dhoofiyo Sacuudiga amaba ay saartoo canshuur dheeri ah.

 

 

Ilo-wareedyo ku dhow Sacuudiga ayaa Reuters u sheegay in boqortooyada ay isku dayday in saliiddaas la geliyo keyd oo aan la gayn Mareykanka, balse ay kasoo horjeesteen dadka leh maraakiibta oo soo safray bishii tagtay, sababo la xiriira lacagta lagu keydinayo oo qaali ah.

 

 

Laba ilo-wareed ayaa iminka sheegaya in Sacuudiga ay ka fakaraan in dalal kale loo leexiyo saliidda, haddii Mareykanka uu mamnuuco in lasoo geliyo.

 

 

Ganacsatada Saliidda ee Yurub iyo Asia ayaa sheegay inay jirto filasho ah in Sacuudiga ay eegi doonaan inay suuqyadooda usoo weeciyaan saiiddaas, haddii xanibaadda Washington lasoo rogo.

 

 

Suuqyada saliidda Mareykanka ayaa horraantii toddobaadkan burburay ayada qiimaha halkii barmiil uu ka hoos maray $0, inkasta oo dib ay usoo kabteen kadib.

Faafitaanka cudurka Coronavirus oo hoos u dhigay dalabkii shidaalka ayaa horseedday burburkan, taasi oo Mareykanka ku qasabtay inay ka fakaraan in la la mumnuuco saliidda dalka lasoo

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker