Afhayeenka Al-Shabaab Oo Ka Hadlay Khilaafka Madaxweyne Farmaajo iyo R W Rooble,

Afhayeenka Al-Shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare Rooble, isagoo khilaafkaan ku tilmaamay mid banaanka soo dhigay daacad darrada madaxda Soomaalida, sida uu hadalka u dhigay.

Cali Dheere ayaa waxaa uu sheegay in shisheeyuhu uusan waxaba u reeban Soomaaliya, isagoo madaxda Soomaalida ku eedeeyay kuwo u kala carara xarunta Xalane, iyagoo u kala dacwoonaya safiirrada reer Galbeedka.

Afhayeenka Al-shabaab ayaa hadalkiisa ku sheegay in hab-dhaqanka madaxda Soomaaliya iyo khilaafkaan uu shaaca ka qaadayo “xumaanta uu leeyahay nidaamka ku dhisan dimuqraadiyadda.”

Cali Dheere ayaa ku cabiray khilaafka baahsan ee haatan ka dhex jira madaxda Dowladda Federaalka ah ee Villa Soomaaliya ayaa yidhi “Maamul ku sheegyada Ridada ah ee ay gaaladu qeybo dalka kamid ah ka dhiseen ayaa dhankooda maanta maraya xaalad mar kale daaha ka rogtay xaqiiqadooda dhabta ah iyo dabadhilifnimadooda, waxay Soomaali oo dhan maanta indhaheeda ku arkeysaa, sida ay Saliibiyiintu isugu direen madaxda Murtaddiinta ee Madaxtooyada fadhisa, habdhaqankaasi wuxuu daaha ka feyday xumaanta uu leeyahay nidaamkooda ku dhisan dimuqraadiyadda iyo liidnaanta shuruuc gaaleedka ay ku dhaqmaan”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker