Dhalinyaro Soomaali ah oo dalka Liibaya Tahriib Ku Galay Oo Ka Walaacsan Dagaalada Dalkaas Ka Socda

Goob lagu magacaabo Ceynu- Zaar oo ku taala Magaalada Tripoli ee dalka Liibiya aadna ugu dhow goobaha ay ku dagaalamayaan dhinacyada is heysta dalkaas ayaa waxaa ku jira Boqolaal dhalin yaro Soomaaliyeed ah oo dalkaasi Tahriib ku galay.

 

Dhalinyaradaas ayaa sheegay in dhibaato badan ay wajahayaan Duqeymo xoogana ay ka socdaan meel aan ka fogayn xeryaha lagu hayo.

 

Ashraf Mascuud Khaalid oo kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee Tahriibka ku galay dalka Liibiya, kana mid ah dhalinyarada ku jira xerada Caynu-Zaar ayaa sheegay in ay xaalad quus ah wajahayaan dhinacyada dagaalamayana ay ku soo dhowaanayaan marba marka ka danbaysa.

 

Dalka Liibiya gaar ahaan Caasimadda Taripoli ayaa waxaa Todobaadyadii ugu dambeeyay ka socday dagaalo xoogan oo u dhaxeeya Xoogag uu hugaaminayo Nin lagu magacaabo Gen. khaliifa Haftar iyo Ciidamo taabacsan Dowladda QM aqoonsantahay ee Liibiya.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker