Maansada dhaxal dhowr

Maansadan waxay ka waramaysaa qiimaha dhaqanka sooyaalka soomalida iyo sidu u yahay shay soojireen ah oo umada somaliyeed ay fac- ilaa fac soo kala dhax-layeen.
Maansadan waxay daraabaysaa ama fogaynaysaa dhaqanada doolka ah ee ina soo galay ee da’yartu ay qaayibtay.
Maansadan waxa curiyey cabdirisaaq axmed cigaal (darwiish)waxaanu yidhi isagoo dhalinta waaninaya:

Dhalintii dalka hooyiyo
Dhaayihii baladkeeniyo
Dheehii umadeeniyo
Dhextaalkii bulshadaydoow
Baaqu waa dhiniciinee
Waxaan dhoobta hortiina
Idiinku dhiibayaa gabay
Aan isleeyahay wuu dhiqi
Da’yartayda dheel dhaqaaqday
Dhalinyarooy waxaad tahay
Dhulka dhererka loo dhigay
Cida u udub dhexaadee
Dhabtii loogu dhaartay
Da’yareey dhaqankeenii
Dhawrista lahaan jirey
Iyo dhadhankiisa gaarka ah
Dhaadhaama saaka saluugay
Dhab ahaan uga saqaafay
Dhaxalkii awoowgood
Iyo soomaali dhaqankeed
Dhimashaduba ha joogtee
Qaarbaaba dhaafsaday
Dhadhab aan run ahayniyo
Dhalanteedka beenta ah
Ragbaa maanta dhaqan guuray
Surwaal sinaha sii dhaafay
Oo deymadiyo dhaayaha
Bartii aanu gacal dhuganjirin
Iyo dhoobta xumaanta leh
Banaankooda soo dhigay
Silis iyo dhugaagado
Dharkii dumar lahaan jirey
Sindi dheehan iyo dahab
Baraarug dhego iyo jijimo
Ragbaa maanta dhaqaaqoo
Dhudhunkooda soo sudhay
Ragii fool-dhaq mooyee
Dhaashi lagu ogaan jirin
Qaarbaa maanta dhaqaaqoo
Dhamidoodba dhadhabayoo
Sida dumar iyo dhabeel qurux
Iyo gaari dhugasho leh
Dhiraha laysku qooshiyo
Dhalan rogay jidhkoodoo
Diirkooda kala dhigay
Ragii dhaqashada lahaan jirey
Iyo dhaqaale iyo waxqabad
Da’yartii dhoodka iyo faanka
Miyey dhacadiidka iyo jiifka
Iyo dhebel u laafyoodka
Iyo dhursuge tacablaawe ah
Dhuunigooda ka adkeyn
Dhaxalkoodu uu noqday
Marku gabalku dheel mado
Dhaxantiyo habeenkii
Miyey sida dhurwaayada
Weerar ugu dhaqaaqaan
Dhuda qoorta dumarkiyo
Dhegta inay ku gooyaan
Dhuuxaaga jabiyaan
Sharaftaada dhumiyaan
Heesaha dheefid tumo
Dhabro iyo dhisaylaba
Miyey hilow ugu dhababeen
Oo ugu dhogor xumaadeen
Shifana eebe ugama dhigin
Dhaqankoodii wacnaayee
Dhego awdmay bay hayaan
Dhaadhaamaaba tusaale u ah
Iyo dhoohane gaalo ah
Dhawaaq kalena waa hablahaas
Dheeliyey socodkee
Hidahoodii dhaafee
Dhaansadeen umado kale
Gabdhihii dhamaysiyo
Dheeliyin socodkee
Hidahoodii dhowrtee
Dhaqashada lahaan jirey
Gabdhihii wiil dheelini
Dhaqan iyo aduuniyo
Gamaan iyo geela dhogorta ah
Guurdoon ka dhiibi jirey
Gabdhihii dhaliiliyo
Goonbaar iyo dhulka meertiyo
Dhegxumo iyo liidnimo
Hablihii ka dhowrsaday
Hablihii waalidkii dhalay iyo
Dhexda u xidhan jirey hawlee
Dhawaaqoodu gaabnaa
Hablihii dhexda madaga ah
Iyo dhaayaha indhaha
Cirid dhuxala iyo faayaha
Dhabanada halalac nuurayiyo
Hidahooda dhaafi jirin
Miyey maanta dhamidoodba
Gar-dhalad wada noqdeen
Af dhiinjara iyo ilko
Maryo dhejisa oo siloon
Dhuub jidhkooda cabiraaya
Dhudhumada iyo muujiya
Sinta dhexda laabtiyo
Intii aanu ruux dhugan jirin
Dhiraha laysku qooshiyo
Miyey dhileen jidhkoodii
Dhaladka ahaan jirey
Tani waa dhayaayire
Hadaan maanta laga dhiman
Warka dhiilada laga nixin
Dhaqan dhowrayaal ayna noqon
Dhaxalkeena lagu dhegin
Dharaartii waa beryaba
Dharka oo la tuuriyo
Hidahoo la dhaafiyo
Dhalaan waalan baa xigi.

 

Waxa qorey: cabdirisaaq axmed cigaal (darwiish)
Cabdirisaaqdarwiish72@hmail.com ama 0634240189

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker