Nidaamka Shaqaalaaha Dawladda

Nidaamka Shaqaalaaha Dawladda Iyo Kuwa Madaxa Bannaan Maxaynu Ka Baddali Karnaa?  Anigu Sidan Baan Ka Dhigi Lahaa.
1. Waxaan joojin lahaa shirka jaraa’id ee uu Guddoomiyuhu qabto xilliga fasaxyada, marka laga reebo bisha Ramadaan oo iyadu is baddasha inta badan waayo? Maalmaha fasaxyada waxaan u kala saari lahaa.
1. Kuwo Qaran
2. Kuwo Dhaqan
3. Kuwo diimeed
Marka aan intaas caddeeyo waxa qof kasta oo shaqaale ahi garan lahaa wuxuu barri qabanayo iyo waxay barri tahay.
2. Maan oggolaadeen in qofku shaqeeyo 8- Saacadood ka badan hadduu shaqeeyana loo shaqeeyaha oo faa’ida kaligii waxaan uga jari lahaa lacag.
3. Shirkad, maqaaxi, dukaan, illaa gaadhi gacan waxaan ka qaadi lahaa lacagta laga jarayo mushaharkiisa oo la siinayo degmada iyo Gobolka uu ku shaqeeyo.
4. Maan oggolaadeen in shirkad ay u shaqeeyaan 10,20,50,100, iyo ka badanba  mushaharka ay qaataan uu jeebkooda ku dhaco bilaa cashuur, amnigoodana la ilaaliyo caafimaad bilaashana raba. Taasi meesha waan ka saari lahaa.
5. Shirkad kasta, illaa maqaaxida waxaan ku qasbi lahaa inay sheegto dadka u shaqeeya ee ay mushaharka siiso, si aan u cashuurto mushaharahadaas.
6- Qof kasta oo ku dhaawacma shaqo shirkadeed waxaan xaqiisa uga qaadi lahaa shirkadda uu ku dhaawacmay.
7- Qof kasta oo dalka ka shaqeeya, muwaadin iyo ajnabiba waxaan shuruud uga dhigi lahaa (liisanka shaqada) sannad kasta dib loogu cusboonaysiiyo iyadoo lacag yarna laga qaadayo. Qofkii aan haysan waddanka kama shaqaysanayo, shirkadii shaqaalaysiisa ganaax adag iyo ciqaab daran ayaan marsiin lahaa.
Anigu waxaan aaminsanahay dalka isagoo aqoonsi haysan in la dhisi karo, oo la habayn karo.
Maxamed Aadan Tarabbi
Saint Louis MO, USA.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker