Shacabwaynaha Somaliland Dan Iyo Muraadtoona Kama Gelin Jabuuti Iyo Soomaaliya Haddii Ay Qabsanayaan Itoobiya, Kenya Iyo Eriteriya !!!!!!!!!!!.

Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland
Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Republic.
 Somaliland In Badan Ayey Dhiigooda, Iyo Maalkooda U Hureen 80% Dagaalkii Dhexmaray Labadii Wadan Ee Midoobay Waa Somaliland + Soomaaliya Oo Noqday Jamhuuriyadda Soomaaliya Iyo Wadanka Itoobiya Oo Inaga Haysta Dad Iyo Dhul Lagu Qiyaaso 1500 Km, Dagaalkaas Itoobiya Iyo Soomaaliya Dhexmaray Waxaa Dhufayskasta Oo Ciidamadda Itoobiya Ku Jiraan Isku Qarxinayey Yagoo Miinaysan Ciidamaddii Asal Ahaan Ka Soo Jeeday Somaliland, Ciidamadda Guulaha Waawayn Ka Gaadhay Haddii Ay Noqoto Ciidamadda Lugta, Ciidamadda Cirka, Ciidamadda Madaafiicda, Ciidamadda Sahanka, Dayuuradaha Dagaalka Waxay U Badnaayeen Raggii Ragga Ahaa Ama Ciidamaddii Asal Ahaan Ka Soo Jeeday Somaliland!!!!!!!!!!, Waxaa Kaloo Oo Shacabwaynaha Somaliland Naf, Dhiig Iyo Maalba U Hureen Xoriyaddii Loo Dagaalamayey Jabuuti Inay Noqoto Wadan Madax Banaan, Waxayna La Dagaalamayeen Gumaystihii Faransiis Ee Haystay Ama Gumaysanayey Wadanka Jabuuti, Faransiiska Oo Reer Jabuuti Shacabwaynahoodii U Gaystay Xasuuq Aad U Fool Xun Oo Aanu Kala Reebin Oday, Islaan, Caruur , Dhalinyaro Iyo Hablo!!!!!!!,
Faransiiska Waxay Reer Somaliland La Galeen Dagaal Aad U Qadhaadh Oo Maryo Dhiigle Lagu Kala Furtay Wadanka Faransiiskana Ay Khasab Kaga Dhigtay Inuu Ku Dhawaaqo Inuu Jabuuti Xoriyad Buuxda Siinayo, Xoriyaddii Naf Iyo Maalba Loogu Huray Jabuuti Waxay Noqotay Xoriyad Ay Ku Khasaareen Shacabwaynaha Somaliland Oo 28 Sano Ee Somaliland Jirto Wadanka Jabuuti Dhibaato, Dibin Daabyo Iyo Shirqoolo Ay Somaliland U Maleegaan Mooyaanee Aan Jabuuti Laga Hayn Inay Somaliland U Abaal Gudo Ama IL Naxariis Leh Ku Eegto, Ama Ay Ka Dayso Dibin Daabyada, Wanjalka, Xaasidnimada!!!!!!!!.
Shacabwaynaha Somaliland Aad Iyo Aad Ayey U Waayo Arkeen Haddii Eriteriya Ay Qabsanayso Jabuuti Ama Itoobiya Ay Qabsanayso Jabuuti Shacabwaynaha Somaliland Dan Iyo Muraad Toona Kama Gelin Weliba Waxay Hiil Iyo Hooba U Fidinayaan Wadamadda Qabsanaya Jabuuti!!!!!!!.
Shacabwaynaha Somaliland Aad Iyo Aad Ayey U Waayo Arkeen Haddii Kenya ?? Ay Qabsanayso Soomaaliya Ama Itoobiya ??  Ay Qabsanayso Soomaaliya, Shacabwaynaha Somaliland Dan Iyo Muraad Toona Kama Gelin Weliba Waxay Hiil Iyo Hooba U Fidinayaan Wadamadda Qabsanaya Soomaaliya!!!!!!!!!!!.
Shacabwaynaha Somaliland Way Ka Gudbeen Qiiro Jabaan Loogu Yeedho Soomaali Ama Dhulka Soomaali Ayaa Leh Ama Soomaali Kala Tegi Mayso Ama Way Isu Gurmanaysaa!!!!!!!, Hadaladaas Ay Ku Dhareeriyaan Shaqsiyaadka Caloosha Ka Buka Ee Markay Madaxwaynaha Somaliland Isku Qabiil Noqon Waayaan Cudurka Dhiigiisa Raacaa Uu Sababi Karo Inuu Cadoowga Somaliland Hiil Iyo Hooba U Fidiyo!!!!!!, Oo Qaranimaddii Ay Kaga Xoog Badato Qabyaalad Futada Kaga Xarootay Oo Ku Samaysay Xanuuno Tiro Badan Oo Bini Aadam Iyo Jin Aanay Daawayn Karin, Balse Dawadeeda Uu Hayo Allaah(Swt).
Wadanka Itoobiya Iyo Kenya Way Is Yaqaanaan Somaliland Oo Waxay Ogyihiin Haddii Somaliland Khasab Lagaga Dhigo Midnimo Dambe Oo Ay Wada Yeeshaan Somaliland Iyo Soomaaliya Inay Halis Gelayaan Labada Wadan Ee Kenya Iyo Itoobiya Oo Ay  Noqonayso Inay Dhalinyaradda Somaliland Oo Lagu Qiyaaso 70% Inay Ku Biiraan Ururada Islaamiga Ah Ee Jihaad Doonka Sida Ururada Al-shabaab, Daacish Iyo Al Qaacida Oo Mandaqada Afrikada Bari, Afrikada Galbeed, Afrikada Waqooyi, Wadamadda Bariga Dhexe Iyo Yurub Ay Noqdaan Dhulwayne Ay Ka Dagaalamaan Dhalinyaradda Somaliland Ee Xoriyadooda Mar Labaad Godka Madoow Lagu Riday!!!!!!!!!!!!!!!!.
Shacabwaynaha Somaliland Uu Xaalku  Noqdo Mar Haddii Xoriyadaydii Mar Labaad God Madoow Lagu Riday Waa Inaan Ka Barbar Dagaalamo Ururada Jihaad Doonka Oo Aduunyadda Ay Wada Gubato, Oo Wadan Nabad Ku Nool La Waayo!!!!!!!!!.
Damaca Itoobiya Oo Aan Xeeb Ama Bad Lahayn Ku Doonayso Xeeb Ama Bad Laga Kirooyo Ama La Siiyo Iyo Qabwaynaanta Shacabwaynaha Somaliland Uu Suurto Geli Mayso Wadanka Itoobiya Oo Dad Iyo Dhul Somaliland Leedahay Ay Ka Haystaan Oo Wadanka Ingiriisku Ku Wareejiyey 1950 ILaa 1954 Deegaamaddii Hawdka Oo Ka Kooban Jig Jiga, Dhagax Buur, Qabri Dahare, Aw Barre, Hashin, Harta Sheekh, Wajaale, Ramaso, Daroor, Gaashaamo, Bali Dhaye, Gawlalaale, Bali Dhiig, Buuhoodle,
Wadanka  Itoobiya Oo Deked Shuruudo Ku Xidhan Yihiin Laga Kireeyaa  Waxay Ku Xidhan Tahay Itoobiya Oo Somaliland Ku Soo Wareejisa Dadka Iyo Deegaamada Ay Itoobiya Ka Haysatay Muddo Lagu Qiyaaso 68 Sano!!!!!!!!!!!!!!,
Itoobiya Haddii Ay Shuruudahaas Ka Soo Baxdo
Oo Ay Deegaamada Somaliland Ka Maqan Soo Wareejiso Somalilandna  Ay Aqoonsato Shacabwaynaha Iyo Dawladda Somaliland Waxaa Ka Go’an Inay Itoobiya Ka Kirayso Marsada Saylac, Maamulkeeda, Shaqaalaheeda Iyo Ciidamadda Ka Hawlgelayaa Ay Noqdaan Somaliland, Itoobiyana Aan Xeebaha Somaliland Looga Ogolayn Inay Keensadaan Ciidamo Ku Qalabaysan Maraakiibta Dagaalka, Balse Wadanka Itoobiya Loo Ogolyahay Inay Dekeda Ka Ganacsadaan Waxna Ka Dhoofiyaan, Waxna Kala Soo Degaan, Heshiiskastana Shan Sano Ka Bacdi Dib Loo Cusboonaysiinayo, Kiraduna Ay Noqoto Qiimo Cayiman, Cashuurtuna Ay Noqoto Qiimo Cayiman Oo Ka Qaalisan Inta Muwaadinka Somaliland Bixiyo Insha Allaah.
Shacabwaynaha Somaliland Uu Xaalku Noqdo Mar Haddii Xoriyadaydii Mar Labaad God Madoow Lagu Riday Waa Inaan Ka Barbar Dagaalamo Ururada Jihaad Doonka Oo Aduunyadda Ay Wada Gubato, Oo Wadan Nabad Ku Nool La Waayo!!!!!!!!!!!.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker