Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa saaka kormeeray Taliska guud ee Ciidanka Booliska.

Wasiirka waxaa ku qaabilay Taliska guud ee Ciidanka Booliska, Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cabdi Xasan iyo saraakiisha kale ee Ciidanka.

Taliyashaasha Ciidanka ayaa Wasiirka warbixin ka siiyey hawlaha culus ee ciidanka Boolisku u hayaan Qaranka iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somalilandba. Wasiirka ayaa khudbad u jeediyey Ciidamada isaga oo faray in ay dardargeliyaan shaqada amniga, feejignaan dheeraad ah looga baahan yahay, si looga diyaar garoobo cadawga.

Sidoo kale Wasiirka ayaa ku amnaanay Ciidanka Booliska dedaalka iyo sida ay hadh iyo habeen ugu taagan yihiin ilaalinta amniga gudaha.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker