Falanqayn Kooban Iyo Sheekooyin Xanuun Badan Oo Khuseeya Xeerka Kufsiga Ee Baarlamaanka Somaliland Sida Fudud Durdurada Ugu Ansixiyey

Xeerkaa #Kufsiga ee maanta la ansixiyay allaw maxaa belo ka soo socota. Sababtuna wax kale maaha ee maanta habayaraadee ma jiro garsoor go’aan cadaalad ah qaadi kara oo arintaa lagu aamini karaa. Waayo? Kufsiga oo daneeyaasha u hadlaa badan yihiin Awgeed. 70% in ka badan garsooreyaasheenu iyagoo ka baqanaaaya armoo la qayliyaa oo la yidhaahdaa #Kufsi ayuu sii daayay, oo aad shaqadaada sidaa ku waydaa ayay eedeysanihii oo aanay habayaaree jirin wax danbiya oo si shaki la’an ah ugu cadaaday ayay xukumaan.

Bal dhawr dhacdo aan idin la wadaago oo aan u soo joogay. Waliba kuwa ugu fudud. Waxa aan u soo joogay:

2013 ayaa waxa inan(Wiil)yar lagu soo eedeeyay in uu galay kufsi.inankaa yar waxa maraga ku furay gabadhii lahayd waa lay kufsaday iyo inan la socotay oo tidhi dhawr inan ayay ahaayeen oo anigu waan cararay oo way igala hadheen.

Inanka yarina dhiniciisa waxa uu sheegay in aanu wax danbiya gelin. Inanta aanu kufsan. Xataa aanu ogeyn cid kufsatay.Inankii yaraa inantii markii uu mudo sanad ah u xidhnaa ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxa la soo xidhay oo jeelkii layskugu keenay inan yar oo kale oo danbi kale loo haysto,kaasi oo ay inankii hore isku xaafado ahaayeen.

Inankii danbe iyo kii yaraa ee hore ayaa jeelka isku waraystay. Kii yaraa ee hore ayaa sheegay in uu #Kufsi aanu gelin u xidhan yahay oo inani soo xidhatay. Kii yaraa ee danbe ayuun baa yidhi waar ma adigaa heblaayo u xidhan. Waar miskiin yahaw inantaa cida wax kala gaadheen waa aniga.

Kaas oo kaliya maaha ee isna waxa aan u soo joogay oday wayn oo reer ceerigaabo ahaa ayaa labo maxkamadood ku xumeen in uu inanyar kufsaday. Mudo dheer ninkii markuu arintaa u xidhnaa ayuu kiiskiisi soo gaadhay maxkamadii uu danbeysay ee derajada sare. Magaciisi markii la yeedhiyay ayuu inta uu ilmeeyay yidhi adeero magacaa imika layma yidhaahdo ee #dulmanaa lay yidhaa. Waayo? ayaa la yidhi. Waxa uu yidhi ninkayga aynigaa ah ee la leeyay waxbuu kufsaday mudo tobaneeyo sano ah ba #ushu iima kicin oo hamoba ma lihi,oo kaadida waxaan ahayn uma haysto. Labadii maxkamadood ee isu xukumayna waxa aan ka codsanaayay bal dhakhtar uun in ay ii diraan oo la eego nin wax kufsan karaba in aan ahay.

Kiiskaasi garsooreyaashii hayay oo #Gudoomiyeha hogaaminaayay intii aan garsoorka ku dhex jiray ahaa dadka faro ku tiris ah ee dacwadaha ciqaabta ah aqoon u leh waxa uu amray in baadhistaa uu xukunsanuhu dalbaday la sameeyo.Waxaana kiiskiisi loo saaray gudi dhakhaatiir ah. Natiijadiina waxa ay noqotay sidii odaygu sheegaayay.

Hadaba iyadoo ay sidaasi tahay macnuhu maaha in aanu kufsi jirin. Balse xaalada dhabta ah ee #Garsoorkeena, xeer ilaalinta iyo baadhayaasha dacwada marka la eego maanta maaha xeerkani kii dadka lagu qaadi lahaa. Waayo? Waxa aan hubaa in 90% dadka xeerkaa jeel ku geli doonaa ay noqon doonaan dad la wanjalay.

Si kale hadii aan idiinku sheego: horta maanta garsoorkeenu dadka kuma xukumo wax aan ka ahay marag furka inanta sheeganaysa in la kufsaday oo ma jirto caday kale oo ka baxsan oo wax lagu xukumaa. Xataa dawladeenu waxa ay keeni kari la’dahay qalabkii biyaha lagu shaybaadhi lahaa.

Sidoo kale baqaha garsorka iyo xeer ilaalinta haya dartii waxa aad arkaysaa gabadh ku soo dacwooneysa wax uu ilmaha yari arkaayo in aanay sinaba macquul u ahay oo hadana qofkii lagu xukumaayo.

Ugu danbeyn bal dadweynoow idinka ayaan idiin dhiibee bal ka warama inanta aan xariiq yari jidhkeeda soo gaadhin. Kiisana aan xagtin yar ku samaynin ee odhanaysa kaabada gurigayga madawga yar ee ka horeeya ayuu igu kufsaday oo ninkii sidaa lagu xukumaayo.

Ugu danbeyn waxa aan ku baaqayaa in dawladu xil isa saarto oo garsoorka dacwadaha noocan ah qaadaaya,xeer ilaalinta iyo baadhayaashaba marka hore laga dhigo dad aqoon badan u leh hanaanka nidaamka cadaaladeed ee dacwadaha ciqaabta ah. Islamarkaana baadhista laga dhigo mid itus oo i taabsii ah oo qalabkii taas lagu suurto gelinlahaa la keenaa. Ugu danbeyna garsoorka waa in laga dhigaa mid madaxbanaan oo aan garsooreha dacwadaha noocan ah qaadayaa aanu ka warwerin in xukunkiisa lagu ciqaabi doono oo hadii uu siidaayo eedaysanaha uu ku waayi doona shaqada. Ilaahayoow eex ma tiraabine aqoon ha igu cadaabin.

Qalinkii:   Garyaqaan Jamaal Hussein Mandeela

Allaw khayrka na waafaji.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker