Dagaalka Soomaalida iyo Canfarta: “Al-Shabaab, Soomaaliya iyo Jabuuti baa nala dagaallamaya”

Gobolka Siti ee Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya waxaa ka socda dagaal sababay qasaare badan oo u dhaxeeya Canfarta iyo Soomaalida. Waxaa lagu soo warramayaa in weli ay labada dhinac is horfadhiyaan.

Dagaalka xooggiisa ayaa la sheegay in uu maanta ka socdo deegaanka Garba-Ciise, halkaas oo laga soo sheegayo khasaare aan la cayimin.

Maamulka Deegaanka Canfarta ayaa ku eedeeyay Dowlad Deegaanka Soomaalida in ay isku dayayaan inay gacanta ku dhigaan Mile, oo ka tirsan gobolka Canfarta, isla markaana ah magaalo muhiim u ah ganacsiga u dhaxeeya Itoobiya iyo Jabuuti, taas oo maamulka Dowlad Deegaanku uu beeniyay.

Qoraal ka soo baxay maamulka deegaanka Canfarta waxaa lagu sheegay in dad rayid ah ay ku dhinteen dagaal cusub oo ay sheegeen in “Soomaalida ay soo qaadeen” Arbacadii kaas oo ka dhacay deegaannada Gebi Resu iyo Awesi Resu.

Warsaxaafadeedka waxaa ku qoran eedeyeen ah in maamulka Soomaalida ay “ciidamo ku daad-gureeyeen deegaanka Candhuufo, ayna ku dileen dad rayid ah.”

Weli ma cadda waxa sababay dagaalkan soo cusboonaaday. Balse colaadda u dhexeysa labada dhinac waxay salka ku haysaa xuduud.

Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa beenisay in ay dagaalka iyaga bilaabeen, iyagoo sheegay in Canfarta ay soo qaadeen weerarka.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, Maxamed Rooble Maxamuud,   ayaa sheegay in Canfarta ay weerarka soo qaadeen.

“Iyagoo dalkayaga haysta ayay ina soo weeraraan oo waxay doonayaan in ay ilaa Diridhaba na gaarsiiyaan,” ayuu yidhi.

“Haddaan annagu dagaalka soo qaadno gar ayayba inoo ahaan lahayd, sababtoo ah dhulkeennii oo dhan ayay heystaan, dadkeennii ayay barakiciyeen, dad ayay ku gowraceen Garba Ciise. Hadda cidda soo qaadday waa la ogyahay, dowladda dhexena waa ogtahay,” ayuu yidhi.

Warsaxaafadeedka maamulka Canfarta ayaa waxaa sidoo kale ku xusan in waddada weyn ee isku xirta Jabuuti-Addis Ababa ay xiran tahay sababo la xiriira dagaalka, balse BBC ma xaqiijin karto arrintaas.

Khasaaraha ka dhashay dagaalka ayaysan ilaa iyo haatan sheegin labada dhinac.

Maamulka Canfarta ayaa “ka codsaday dowladda dhexe ee Itoobiya in ay arrinta soo farageliso”, inta uusan dagaalka sii xumaan.

Dabayaaqadii bishii July, Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay in maleeshiyaad ka soo jeeda gobolka deriska la ah ee Canfarta ay weerar soo qaadeen isla markaana ay dhac geysteen.

Maamulka Canfarta wuxuu sheegay “in Soomaali kale ay dagaalka qeyb ka tahay, kuwaas oo taageeraya ciidamada dowlad-deegaanka Soomaalida ee Itoobiya”.

Balse Maxamed Rooble, ayaa beeniyay eedeymahaas wuxuuna yiri: “Waxaa wax lala yaabo ah, in ay sheegayaan in ‘Alshabaab ay la dagaallameyso, Soomaaliya ay la dagaallameysa; Jabuuti ay la dagaallameyso; Somaliland la dagalalameyso.

“Sheekooyinkaas ayay warbahainta la taagan yihiin. Qof walba wuu garanayaa in Alshabaab aysan halkan ka dagaallami karin,” ayuu yidhi.

Wuxuu sheegay in ay diyaar u yihiin in dagaalka la joojiyo, haddii dowladda dhexe ee Itoobiya ay amarto, balse ay doonayaan in dhanka kale ay iyaguna nabadda qaataan.

“Annagu diyaar ayaan u nahay, balse iyadoo ay dhanka kale heystaan dhulkeennii, iskuulladeennii iyo masaajiddadeennii, haddii nala dhoho nabad qaata, taasi waxay noqoneysaa nabad aan nabad ahayn,” Ayuu yidhi Maxamed Rooble.

Labada maamul ee Soomaalida iyo Canfarta ayaa horey u wada saxiixday heshiis, balse ma uusan fulin.

Soomaalida iyo Canfarta ayaa marar badan ku dagaallamay deegaannada ay ku muransan yihiin sida Candhuufa, Cadheyti, Garba-ciise iyo tuulooyin kale oo ku yaalla soohdinta ay wadaagaan labada deegaan.

Iyada oo ay taagan tahay colaadda labada deegaan oo aan xal waarana laga gaarin sheegashada dhulka la isku hayo, ayaa waxaa xaaladda sii huriyey guddiga doorashooyinka dowladda dhexe ee Itoobiya oo soo saaray go’aan ah in 8 tuulo oo xadka labada deegaan ku teedsan iney doorasha ka dhaceyn shacabka degganna ay codkooda ka dhiibtaan tuulooyinka u dhow ee ay gaadhi karaa.

Go’aanka guddiga doorashooyinka ayaa waxaa si weyn uga biyo-diiday maamulka dowlad deegaanka Soomaalida iyaga oo qoray warqad ay ku sheegeen iney marnaba aqbaleyn dhul uu deegaanka Soomaalida leeyahay in deegaan kale la hoos geeyo.

Deegaanka Canfarta ayaa dhankoda waxay ku doodayaan in tuulooyinka 8-da ah uu guddiga doorashooyinka go’aanka ka gaaray la hoos geeyo dhankooda doorashada soo socotana ay uga dhacdo deegaankaasi.

Guddiga doorashooyinka dowladda dhexe ee Itoobiyana go’aanka ayaa go’aanka uu gaaray ku sababeeyay in inta xal waara laga gaarayo qaddiyadda tuulooyinka ay maamullada labada deegaan isku haystaan, inuu xal u arko labada deegaanba iney halkaasi doorasha ka sameyn si looga gaashaanto isku dhac dambe oo yimaaddo.

Xukumaddii deegaanka Soomaalida ka arrimineysay uu hoggaaminayey madaxweyne Cabdi Max’uud Cumar ayaa tuulooyinka Cadhuufo, Caddeeyto iyo Garbo-ciise waxay siisay deegaanka Canfarta iyada oo loo qoray warqad rasmi ah oo dhulkaasi Canfarta lagu hoos geynayo.

Hase yeeshee golaha wasiirrada ee deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya uu hoggaamiyo Mustafe Cagjar ayaa horay u laalay heshii ay dowladda dowladda dhexe ee dalka Itoobiya taageereysay oo deegaanada Cadhuufo, Caddeeyto iyo Garbo-Ciise oo ka tirsanaan jiray dhulka Soomaalida Itoobiya lagu hoos geeyay maamulka Canfarta balse tan iyo xilligaasi ay dhacayeen rabshado u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta.

Colaaddan oo deegaankaasi ka taagneyd labadii sana ee la soo dhaafay waxaa ku naf waayey dad ka badan 400 iyada oo hanti aad u bandanna ay ku burburtay.

Bishii April ee sanadkan ayaa waxaa mar kale magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya lagu soo gabagabeyay wadahadal u dhaxeeyay madaxweynayaasha dowlad deegaannada Soomaalida iyo Canfarta, kaas oo xal loogu raadinayay dagaallo maalmihii la soo dhaafay labada qoomiyadood ku dhaxmaray qaybo ka mid ah gobalka Siti.

Heshiiska waxaa qalinka ku duugay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar iyo Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Canfarta Awal Arba.

Balse sida iminka muuqata heshiiskaasi ma noqon mid sidii loogu talagalay u dhaqangala.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker