Soomaali wayn: fursadii la khasaariyey

21-Octeber 1969 markii xukunkii askartu la wareegtay ,talaabadii koobaad ee ay qaadeen waxay noqotay laalista Distoorkii wadanka tuurista distoorkii la tuurayna waxaa raacay Baarlamaankii iyo Maxkamadii sarre , waxaana lagu badalay Distoorkii Axdigii kacaanka oo ka kooban 13 qodob iyo glihii sarre ee kacaanka .

1969 hadii la laalay distoorkii , 1976 waxaa la aasaasay xisbigii hanti wadaaga kacaanka soomaaliyeed , kaaso isna badalay golihii sarre ee kacaanka , golahaasoo ahaa saraakiishii wadanka qabsatay .

Hadaba Xisbigaa hanti wadaaga ayaa awoodii oo dhan gacanta u geliyay Madaxwaynaha oo noqday , Gudoomiyaha xisbiga , Xoghayaha guud , Madaxwaynaha , Raysal wasaaraha iyoTaliyaha guud ee ciidamadda .

Awoodaha madaxwaynaha la siiyeyna waxaa ka mid ahaa , in uu wadanka dagaal gelin karro isagoon cidna la tashan , in uu nabad qaadan karro iyo in uu soo roggo karro xaalad degdega iwm .

Iyadoo xaaladdu sidaa tahay , ayuu dhacay dagaalkii 1977 , kaasoo baajintiisa ilaa 1976 ay ka shaqaynaysay Dawladii midowga soofiyeeti .

7–7-77 markii Somaaliya ku dhawaaqday in ay toos ugu jirto dagaalka Itoobiya , maalmo ka dib , waxay gacanta ku qabatay Soomaaiya , Magaaladda Filtu ee Gobolka Liibaan ilaa Jigjiga , dhulkaas oo ah 90% dhulkii Soomaali galbeed .

Dhinaca kale waxaa socday wada hadalo toosa oo labada dawladood ee Itoobiya iyo Soomaaliya ay ku dhex dhexaadinaysay midowgii soofiyeeti , Shir bishii July 1977 ka qabsoomay magaaladda Moosko , oo uu ku sugnaa wafti uu hogaaminayay Madaxwayne xigeenkii Cali samatar , Ruushku wuxuu usoo jeediyay dhinacyadda labadan qodob .

1- In dhicayaddu xabadda joojiyaan .

2- In arrinta labada dal laggu dhameeyo wada hadal .

labadaa qodob Itobiya way ogolaatay , laakin Soomaaliya way diiday , waxaanay ku dooday in Itobiya aqoonsato xaqa aayo ka tashiga soomaali galbeed , itoobiyana waxay ku dooday in horta xabada la joojiyo lana wada hadlo .

Midowga soofiyeeti maadaama uu labada wadanba la saaxib ahaa labadaba wuxuu siin jirey hub , shirkaa ka dib se wuxuu joojiyay caawimadii Soomaaliya ee hubka iyo shidaalka , isagoo doonayay in aan Itoobiya la wada qabsanin , ka dibna aanay u gelin reer galbeed .

Shirkaa ka dib , Soomaaliya waxay sii xoojisay dagaalkii , waxaanay hareereeysay magaaladda Herer , hasa yeeshee waxaa difaacay herer ciidaamo kuubaana oo itoobiya uga soo gurmaday Angola iyo kuwo ka tirsan Yemantii koonfureed , hasa yeeshee Soomaalidu waxay dhan walba ka fadhiisatay magaaladdda herer .

Iyadoo xaaladdu halkaas marayso , ayaa Madaxwaynihii Soomaaliya ee isugu keligii wadanka dhan noqday qaatay sadexdan go’aan .

1- Wuxuu amray in Khuburada ruushka iyo hawl-wadeenadiisu wadanka kaga baxaan 48 saacadood .

2- wuxuu xiidhiidhka u jaray kuuba gebi ahaan .

3- wuxuu amray in la dhimo shaqaalaha safaaradda Midowga soofiyeeti .

Maalintuu go’aankaa yeedhiyay , Mogdisho waxaa laggu mudaharaaaday Ruushka , xeryihiisiina ciidan baa laggu wareejiyay ,waxaana laggu sigtay isku dhac .

Talaabadaa Soomaaliya qaaday ceebtii ka gaadhay Ruushku isagoo ka cadhaysan , waxaa degdeg ugu soo dilay Itoobiya iyo Yemen Wasiirkii gaashaandhiga ee midowga soofiyeeti , waxaanu yidhi isagoo cadan jooga ” Soomaaliya jilbaha ayaanu dhulka ugu dhufan doonaa , iyaddoo dulaysana waxaanu ku qasbi doonaa in ay Itoobiya ka baxdo .

Maalmo ka dib , waxaa itoobiya soo gaadhay , Taliye ku xigeenkii guud ee ciidanka lugta midowga soofiyeeti , Gen Batroof oo loo xil saaray inuu hogaamiyo ololaha soomaaliya lagu muquuninayo , waxa kale oo la sameeyey talis ka kooban 20 janan oo uu ku jirro khabiirkii ugu sareeyey khoboradda Ruushka ka joogtay Soomaaliya oo ahaa ninkii la taliyaha gaarka u ahaa Cali samatar oo hayay xogta ciidanka soomaalidda iyo Gen Ocha oo ahaa Janan kuubaana oo loo xilsaaray dhinaca hawl-gelinta .

6 bilood ka dib , Soomaliya waxaa lagga soo saaray Itoobiya iyadoo farro madhan , oo aan qofna qof la socon oo habqan ah , markii la jabayna wuxuu siyaad ku dhawaaqay xabad joojin dhinac keliya ah oo aan cidina ka codsan isagoo sheegay in uu ciidankiisii oo dhan lasoo baxay , waase mar aan ciidanba u noolayn , Fursadii soomali wayn oo maalmo yar ka hor aad u muuqatayna waxay noqotay Ubax qaadhay .

 

 

Axmed Nuur Guruje

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker