Maxkamadda sare ee Kenya oo hakisay arrin ku cusub qaadasahada sharciga dalkaas

Maxkamadda sare ee Kenya ayaa hakisay qiimo cusub oo ay dowladda ku soo rogtay kaarka aqoonsiga waddanka iyo sharciyada kale ee dalka. Arrintaas oo ay caro ka muujiyeen shacabka Kenya.

Hakinta ayaa timid kadib markii uu maxkamadda dacwad u gudbiyay nin dhaqtar ah oo lagu magacaabo Magare Gikenyi.

Qiimaha cusub ayaa la soo rogay iyadoo aan la ogeysiin dadka shacabka ah ee ku nool waddanka, waxayna ku soo aadeysaa xili dalku la daala dhacaya sare u kac xaga qiimaha maciishadda ah.

Muwaadiniinta Kenya ee da’adoodu gaartay 18 sano jir ayaa markii hore si bilaash ah ku qaadan jiray kaarka aqoonsiga dalka, balse wixi hadda ka dambeeya waxay bixin doonaan lacag dhan 1,000 shilin oo lacagta Kenya ah oo u dhiganta ilaa 7 doolar.

Waxaa sidoo kale la kordhiyay lacagta uu qofku bixinayo marka uu ka dhumo ama uu ka guubto, iyadoo laga dhigay 2,000 oo shilin oo u dhiganta 13 doolar, taas oo markii hore ahayd 100 shilin (66 cent)

Arrintan ayaa siyaabo kala duwan loogu hadal hayaa baraha bulshada. Qaadashada warqadda dhimashada ayaa ah 200 oo shilin ( 1.5 doolar)

Waxaa saddex jibaarmay qiimaha lagu qaadanayo warqadda guurka, waxaana laga dhigay 100,000 oo shilin ( in ka badan 700) oo doolar.

Qaadashada baasaboorka marka la cusboonaysiinayo ayaa waxaa ku kordhay qiimo gaaraya boqolkiiba 50.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker