“Cali Mareexaan Waxaan Leeyahey Wasiir Waanu Ku Aragnaaye Caynabo Soo Dhaaf” Caaqil Sanyare

Caaqil Axmed Maxamed Maxamuud  (Caaqil Sanyare), oo Kamid ah Cuqaasha  Gobolka Sool, ayaa hadal uu Ka Jeediyay Soo dhaweyntii Waftiga Madaxweyne Kuxigeenka ee Galinkii Dambe ee Maanta Gaadhay Magaalada Laascaanood, Waxa uu Caaqilku ka hadley, Arimo la Xidhiidha Saamiga Gobolada Barri oo uu Ku Garnaqsadey, in Gobolka Sool, Marna Degmooyinka Lagala Qeyb Dhigo, Marna Gobolada Kale Looga Saami badiyo.

Caaqil Sanyare, oo hadalkiisa Si Qiima badan u Gudbiyay Waxa uu Sheegay, in aanney Ka Dhex Muuqan Waftiga Masuuliyiintii, iyo Xildhibaanadii Kasoo jeeday Gobolka arintaas oo ui Su,aal Ka Weydiiyay Madaxweyne Kuxigeenka, Waxa uu Si Kaftan, iyo Garnaqsi ah oo Isku Ladhan Ku Sheegay, in aaney ogolaanaynin in Marna Caynaba Goonideeda

Wax Loo Siiyo, Marna Gobolka Sool Lasoo Raaciyo “Qodobka labaad ee Aan Kahadlayaa Waxa Weeyi ee Abaarta, ii Wehelisaa Iduhu Marka ay Naqii Dhalaan, Ninkii idaha Dhaqi Yaqaanbaa Garanayee, Naylbaa Hooyadeed Dhimataa Markaasaa La Yidhaa Neysha La Qali Maayee, lana Tuuri maayee Laxdaa hala Darsato idaha kale hala Darsato, Naylahaa ayey Midba Mar La Jaqdaa, Markaad Wax Qeybinaysaan Sadexda Gobol ee Bariga Sool, Sanaag iyo Togdheer, Sanaag Ma dhasho Naylo, Togdheerna M Dhasho Naylo, Waxa La Dulmey ee Naylaha dhalaa Waa Gobolka Sool, Xaysimo Marka ay Xaaladu soo adkaato Waxaa La odhanayaa Soolbaa La idinla Qeybinayaa, Saraarna Waxaa la odhanayaa Soolbaa la idinla Qeybinayaa, iyo in ay laba Gobol Noqdaan, oo Waxa ay Sool Hesho helaan, oo aydaan Sadexda Gobol ee Barigaanu u Soconaa, odhane ee aad Tidhaahdaan Shanta Gobol ee Barigaanu u Soconaa” Ayuu Yidhi Caaqilku.

Waxaanu intaa ku Darey hadalkiisa.”Cali Mareexaan Waxaan Leeyahey Wasiirka Biyaha, Maanta Waxaa laga hadlayaa Waa Biyo Waxbaa Isku Soo Beegmay, Ninku Markuu Xilqabto Waxaa La Yidhaa Walaahi Ninkaa Hebel Doobirbuu Leeyahay, Waa Lagu Baxsadey Ceelasha Wasiiradii Kaa horeeyay ee Biyuhu Aasaarbay Kawada Tageen, Marka u horeysa Waxaan Kaa Codsanaynaa, Waar horta inta Qodan Bambooyinkooda, iyo Dayactirkooda Noo Dhig oo Diyaar hanoo Noqdeen Intiu Kaambaynka Lagu galey ee Gosha iyo hadeeroo libtii adiga Mu Raacdoola faadhfaadhayoo, Isuduwahaagu faadfaadhayay, Waxaanu Ku Leenahay, Indhahayagu Waanu aragnaaye Caynabo Soo Dhaaf” .

“Waar Taa Yeeli Mayno Nayfoodheey, ama Sadex Gobol ayaad Barnaamij u Samaynayasaa, Waxba Ma Qarsado annigu Wixii Dulmi nagu ahna Waanu Sheegaynaa Intii Habarjeclo Kula Socdey ee Xildhibaano ahaa Waxey Kusoo Tuseen carro Habarjeclo, Wixii Habaryoonis Kula Socdayna Wixii Carro Habaryoonis Lahayd ayay kusoo Tuseen Cadaaladu Waxey Ka Bilaabmaysaa Hawd iyo Nugaal Wixii aad Ka Martey Gobolka Togdheer ayaad Miyi iyo Magaalo Ka Mareysaa, intaa Naloo Qabteyna illaahaybaa Mahad lehe Waa u mahdanaqaynaa Hay,ada Xukuumada, iyo ngoyadaba” Ayuu Hadalkiisa kusoo gunaanaday”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker