Wasiirrada Isku Maandhaafay Arrinta Fly Dubai Iyo Al Arabia

Golaha wasiirrada Somaliland ayaa shalay dood adag isku wajahay shir uu guddoominayay madaxweyne Biixi oo lagu darsayay qaddiyadda shirkadaha diyaaradaha Fly Dubai iyo Al-arabia oo xukumaddu hore ugala laabatay ruqsadda.

Xogo la  helay   ayaa daboolka ka qaaday in halkaas ay dood adag ku dhex martay wasiirro ku kala aragti duwan qaddiyaddan taas oo qaarkood doonayeen in shirkadaha la sii daayo qaar kalena in ay sii xayirnaadan ku doodeen.

 

Wasiirrada sida weyn u doonayay in shuruud la’aan lagu fasaxo shirkadaha Fly Dubai iyo Al-arabia waxa hoggaaminayay wasiirka arrimaha gudaha Md Maxamed Kaahin oo garab ka helaya wasiirrada ay isku degaanka yihiin ee xukumadda ku jira.

 

hase ahaatee waxa doodaas si adag uga horyimid masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka ganacsiga Maxamuud Sacad Saajin, wasiirka xannaanada xoolaha Siciid Sulub, maareeyaha hay’adda duulista iyo xeer ilaaliya Qaranka.

Dood la isku maandhaafay kadib waxa arrintan loo qaaday cod waxaana awood batay masuuliyiinta doonayay in ay sii xayirnaadaan shirkadahan diyaaradaha waxaanu Golaha badankiisu u codeeyay in ay labada shirkadood xayirnaadaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker