SHILALKA BAABUURTA DADKU KU DHINTAAN OO AAD U FARA BATAY.

Suaalo aad u fara badan ayaan is weydiiyay, idinkana idin waydiinayaa, taas oy ka mid tahay, maxaa baabuurtan dadkii dhamaysay looga hadli waayay, oo wax looga qaban waayay, miyaynaan ahayn dad jira oo wax qaban kara, ma Ilaahay haw naxariisto ayuun baynu ku dhaafnaa, maxaa ficilkii inaga qaaday, wax kasta ma dawlad ayuun baynu ka sugnaa, hadaba dawladi kuuma soo socotee meesha ha laga kaco, oo dadka ha la badbaadiyo.
Imisa dhalinyaro ah baad aasteen? Ilaahay haw naxariisto dhamaantood eh, imisa ayaa dhaawac la jiifa? Imisa ayaa Ilaahay ka kiciyay? imisa ayaa Ilaahay ka badbaadiyay? imisa ayaad aasi doontaan?
Hadaba aduunku dhibkan inalama qabee, maxaa inaga inoogu wacan. Markaad sababta (problem) ogaato ayaad xalkeeda (solution) heshaa.
Hadaan soo koobo sababaha keenaya in dadku ku dhintaan shilalka faraha badan ee wadooyinka ka dhacaa waa kuwan:
1. Qadarka oo qalad laga fahmey oo baaburta xawaare sare lagu wado.
2. Rakaabka oon xidhan suunka (safety belt).
3. Wacyi galin la’aan, haday dawlad tahay, haday ciidanka nabad galyada wadooyinka tahay, haday culimada tahay iyo haday waayeelka tahayba.
4. Qayrul masuulnimo darawelka iyo rakaabka laftooda oon dareewalka amar siin, oon odhan aayar wad gaadhiga.
5. Baabuur dhinaca bidix ka socota.
6. Wado xumo, oo wada godad ah.
7. Wadooyinka oo haba yaraatee wax calaamado ah lahayn (no traffic signs).
8. Baabuur aan safety lahayn.
9. Baabuurta oon isku dheelitirneyn (unbalance vehicles).
10. Taayiro xumaan ama dhiman.
11. Dareewaliin aan khibrad lahayn oo baabuur loo dhiibo (lack of driving experience).
12. Dareewaliin aad u da’ yar.
13. Xukuumad aan wax ka qaban iyo mucaarid aan ka hadal.
14. All the above.
Hadaba dhibaatadan wax ha laga qabto, wadar iyo waaxidba, oo dhalinyaradu ha is abaabulaan. Ceelna kuuma qodna ciidana kuuma maqna.
Waxa qoray: Mohamed Ali

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker