Dadka ka qeybgalay xaflada aroos ee mar qurra la afduubtay

Koox hubeysneyd ayaa ugu yaraan 29 qof ka afduubtay gobolka Zamfara ee waqooyi-galbeed ee Nigeria, sida ay booliisku sheegeen.

Dadkan la afduubtay ayaa ka soo laabtay xaflad aroos ah, waxaana la sheegay in kooxdii hubeysneyd ay weerar gaadmo ah ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo ay dadkaas wateen.

Dadkan la qafaashay ayaa u badnaa ganacsato taleefoonnada gacanta ka shaqeyn san jirtay kuwaas oo ka howlgayay suuq caan ah oo ku yaalla magaalada Gusau ee caasimadda gobolka Zamfara –waxayna kasoo laabteen aroos ka dhacay gobolka ay deriska Sokoto halkaas oo lagu casuumay.

Mid ka mid ah dadkii ka badbaaday weerarka ayaa BBC-da u sheegay in dableyda ay jidgooyooyin dhigteen waddada isla markaana ay rasaas ku fureen dadkii saarnaa baabuurta.

Dadka qaar ayay u suurtogashay inay ka baxsadaan goobta.

Afhayeen u hadlay booliiska ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay billaabeen baadigoobka dadka la afduubtay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker