Shacbiga Reer Masar Oo Ka Cadhaysan Qorshaha uu Madaxwayne Siisi ku Doonayoo inuu Xukunka Hayo ILaa 2030

Baarlamaanka Masar ayaa Talaadada u codaynaya in ay isbadal ku sameeyaan dastuurka dalka si loo kordhiyo wakhtiga uu xilka haynayo madaxweyne Cabdulfatax Al Sisi, taas oo macquul ka dhigaysa in uu sii joogo tan iyo 2030.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale awooddo dheeraad ah ku yeelan doona garsoorka.

Waxaana loo ogolaan doonaa in uu soo magacaabo garsooreyaal.

Dadka taageersan Mursi ayaa sheegaya in uu u baahan yahay wakhti dheeri ah si uu u dhamaystiro isbadallada waawayn ee dhaqalaaha ee uu wado.

Balse dadka ka soo horjeeda ayaa sheegaya in isbadalladan ay diiradda saarayaan sidii uu awoodo dheeri ah ku heli lahaa hoggaamiye xorriyadda wiiqay, waxayna ku dhaliileen in uusan ku wanaagsanayn xuquuqda aadanaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker