Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyaay inaanay Qaban Karayn Doorashada Madaxtooyada 13.Nov

Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay in aanay qabankarin Doorashada madaxtooyada Somaliland xilligii loogu talo-galay 13 November.

Komishanka Doorashooyinka Qaranku wuxuu soo saaray go’aamadan;

1. In Doorashada Madaxatooyada JSL ee u qorshaysnayd in la qabto 13-ka Nov 2022 oo ah bil ka hor dhammadka muddo xilleedka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka, aannay farsamo ahaan, iyo dhaqaale ahaan ba qabsoomi karayn.

2. In Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL, farsamo ahaan ku qaban karaa doorashada Madaxtooyada JSL muddo Sagaal (9) billood ah oo ka bilaabmaysa 1st October 2022.

3. Gebogebadii Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL wuxuu muddadaa Sagaalka (9) billood ah ku diyaarinayaa dhammaan arimaha farsamo, dhaqaale ee ay u baahan tahay Diiwaangalinta Codbixyeyaasha iyo qabsoomida doorashada Madaxtooyada JSL.

ALLAA MAHAD LEH
AFHAYEENKA KDQ,

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker