Kootada haweenku ma shaqo abuur baa mise waa shuqul kale?

Kootada haweenku ma shaqo abuur baa mise waa shuqul kale?— Isbarkan baa lagaa yidhi!

 

1) Horta haddii gabadha baaralamaanka kooto lagu fadhiisiyo, maxaa laga faa’iidayaa?

 

2) Ma cid gaar ah ayay dheef u keenaysaa oo metelaysaa, mise mushaharkeeda ayay dumarku la qaybsanayaan?sow dadku uma sinna lab iyo  dhedigba oo ma wada metelayso?

 

3) Adigu maxaad ku kala xigtaysanaysaa in uu walaalkaa ku metelo iyo in ay walaashaa ku metesho?

haddiise wax gaar ah laguu soo goynayo keebaad ku hallayn kartaa?

 

4)Reerkii inantooda meesha geeyey haddii inantii ay reer kale guursadaan, ma loo beddelayaa xubintaas oo qof kale oo metela ma loo magacaabayaa, illayn waa tan deegaamada wax loo qaybsanayee?

 

5) Sideedaba ma qof waxqabad inagu metela ayaynnu u baahannahay mise mid jinsi- lab ama dhedig – inoo kala metela?

 

Aar bal su’aalahan iiga jawaaba intaynaan weerar iyo weerar celis u kala bixin.

 

 

WQ: Dr-abdulqani Hussein Beder

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker