Madaxweyne ku xigeenka oo Saluugay ka Muujiyay Golayaasha Deegaanka Dalka

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheegay inuu jiro saluug ay bulshada ka qabto hawlaha shaqo ee dowladda hoose, waxaanu ugu baaqay in ay si caddaalad ah umadda ugu adeegaan.

 

Cabdiraxmaan Saylici oo xarunta gobolka Awdal kula hadlayey masuuliyinta degmada Boorama ee golaha deegaanka ayaa sheegay in far lagu godaayo gaabiska ku yimid howlaha shaqo ee golayaasha deegaanka dalka, waxana uu yidhi “Golayaasha deegaanka hadaad tihiin far baa idinku go’dan meel aad joogtan ba ee shaqadiina garta, waxa aad tihiin dadkii dejin lahaa siyaasadda dib u dhiska, wanaajinta iyo qurxinta degmooyinkeena laakiin laydinma dooran in maalin walba xafiisyadiina dadku dul joogaan.”

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa golayaasha deegaanka ugu baaqay in si siman oo caddaalad ah cashuurta looga qaado qaybaha bulshada, haday tahay masuul dowladdeed tahay iyo hadday qofka shacabka ah tahayba, waxaanu saluug ka muujiyey sida aan cashuurta looga qaadin masuuliyina dowladda xilalka ka haya, waxaanu yidhi “Umaddu way u siman tahay in cashuurta laga qaado, in guriga madaxweynaha iyo ka shacabka u hooseeya in laga qaado cashuurta way u siman tahay, haddii kii xilka hayey yidhaahdo aniga layga qaadi maayo ma miskiinka ayaa la qasbi oo albaabka laga saari, waxaasi shaqayn mayso ee waa in cashuurta uu bixiyaa nin walba oo masuul ah, sida aad maskiinka albaabka ugu furtaan waa in aad ka masuulkana uga furtaan.”

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland,

Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker