Sir Culus: Bedelka Sumada Gaadiidka Somaliland laga Bilaabay oo Noqday Qorshe Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Kaga Tanaasushay Gooni-isku Taagii Somaliland

Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa si dad-ban uga tanaasushay qorshihii madaxbanaanada iyo gooni-isku taaga Jamhuuriyada Somaliland, isla markaana si Qarsoodiya u qaadatay qorshaha Federalka uu horjooga ka yahay Maamulka Muqdisho ee Madaxweyne Farmaajo.
Xoggo diblumaasiyadeed oo laga helay Addis-sababa, muqdisho iyo Xukuumada Madaxweyne, ayaa sheegay in Xukuumada Muuse Biixi si dadban uga tanaasushay madaxbanaanidii Somaliland, iyagoo taas caddeyn uga dhigay arrimo dor ah oo lasoo faray Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi inay fuliso, waxana Kamid ah Mashaariicda Somali-weyn ee hadda Xukuumaddu damacsan tahay inay ka fuliso Hargeysa Kamid ah Maamulkii hawada oo isaggu si rasmiya u hirgalay iyo sidoo kale qorshaha hadda bilaabmay ee Xukuumada Madaxweyne Muuse ku Bedelayso Taarikadii Gaadiidka Somaliland sumada u ahaa.
Iyaddoo Xukuumada muddo lix bilood ah kaga takhalusaysaa Sumadii Gaadiidka Somaliland lahaa ee hore, isla markaana shacabka lagu khasbaayo sumad federaalis ah oo gaadiidka Somaliland laga leeyahay loogu diiwaangelinaayo Xukuumada Somaliya.
Xoggahan, ayaa waxa si rasmiya fulintooda loogu Xil saaray laba Wasiir oo ka tirsan Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, kuwasoo Kala ah Wasiirka Gaadiidka Somaliland Cabdilahi Abokor iyo Wasiirka maaliyada Yuusuf Maxamed Cabdi,  labadaas masuul waxay qandaraas uu raysal wasaare ku xigeenka Xamar kusoo siiyey sidii loo middeyn lahaa sumada Gaadiidka Somaliland jooga.
Sidoo kale, xoggaha ayaa sheegay in qorshahan lug ay ku leedahay Dawlada cusub ee ka dhalatay Itoobiya, isla markaana ay hadda laga bilaabo Itoobiya noqoto, dal dib u Curinaaya dhalashada midow dambe oo dhex-mara Somaliland Iyo Somaliland. Tallaabooyinka kale ee midnimada xoojinaya waxa Kamid ah in Siyaasiyiinta Somalida loo ogolaado inay u Kala safraan Xamar iyo Hargeysa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker