Madaxweyne Biden Oo La Filayo inuu Kala Hadlo Sucuudiga dilka Khaashuqji

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in Isniinta maamulkiisa uu ka hadli doono xaaladda Sucuudiga kadib warbixintii ay soo saareen sirddoonka Mareykanka ee ku saabsaneyd in dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan uu ansixiyay qorshihii lagu dilay weriyihii u dhashay Jamaal Khaashuqji.

Markii Biden wax laga weyddiyay ,su’aasha ku saabsan in tallaabo laga qaadi doono Maxamed Bin Salmaan iyo in kale, wuxuu ku jawaabay “In Isniinta ay war kasoo saari doonaan waxa laga yeelayo Sucuudiga”

Joe Biden wax faahfaahin ah kama uusan bixin waxyaabaha ay ka hadli doonaan ee ku aadan dilka Kaashuuqji.

Shaley ayay aheyd sirdoonka Mareykanka uu sheegay in Amiirka dhaxalsugaha ah ee Sucuudiga, Maxamed bin Salmaan, uu ansixiyay dilka weriyaha qurba-joogga ahaa Jamaal Khaashuqji sanadkii 2018.

Warbixinta oo uu shaaciyay maamulka madaxweyne Biden ayaa waxa ay tibaaxaysay in amiirka uu ansixiyay qorshada in “la soo qabto ama la dilo” weriyaha uu saldhiggiisu yahay waddanka Mareykanka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker