Madaxwayne Biixi oo Kursigii Madaxtooyadda Somaliland Ku Soo Baxay Waxba Mayaqaan

Wax ma yaqaan
Wax yaqaan laga dhiggaa
Wax ma yaqaanoo
Wax ma yaqaan buu ku soo baxaa

Wax ma yaqaan
Wax yaqaan laga dhigaa
Wax ma yaqaanoo
Wax loo dirtay hagaajin waa

Alle Ha u naxariisto e’ Abwaan: Yuusuf Aadan Xuseen (Allaale)

Muddo hadda laga joogo 25 sano Waxa su’aal aad muhiim u ah waydiiyay Muuse biixi wargayska Codka Hargyasa ama Xoriyo mid kood oo ahaa wargaysyadii ugu horeeyay ee lagu asaasay warbaahinta daabacan ee somalilnad oo la kawsaday curashadii jamuuriyada Somaliland. Su’alshaas oo ahayd Muuse Biixi ma milatari baa mise waa siyaasi? Muuse su’alshaa waxa uu kaga falceliyay dareen cadho iyo handaadaad uu u handaday wariyihii su’aalsha ku ganay oon filayo inuu ahaa Wayab, waxa uu muuse ku jawaabay su’aal kale oo ah maxaan kaga duwanahay George Washington iyo Jamal Cabdinaasir oo labaduba milatari iyo siyaasiyiin soo noqden? Laakiin muuse ayaa si ficil ah uga jawaabay suaalshan ruc qarni ka diib.

Haddaba waxaan maqaalkan si gooniya diiradda ugu saari doonaa bal ka uu noqday 25 sanno ka dib isagoo xilligaa uu Weriyuhu su’aasha waydiiyay u laqimayay inuu yahay labadaba sidaa George Washington iyo Jamaal
Cabdi-naasir oo labada jagaba wada qabtay iyadoo uu isna ka mid yahay uun kuwaa soo maray Adduunka ee labada darajaba isku hantiyay. Taasi waxa ay been cad noqotay rubuc qarni ka dib oo Muuse Biixi uu Ummadda Somaliland tusay
karti daridiisa Siyaasadeed iyadoo iminka oo aan qorayo Maqaalkan Maati iyo Carruur ka soo jeedda Qoyska reer Maxamed
Xasan Dalab uu cagta mariyay hoy ay ku lahaayeen duleedka Hargaysa oo uu inoo laqimayo inuu ka yagleeli doono madaxtooyo cusub oo Qaranku yeesho isagoo tii hore ee Somaliland lahayd ee uu ka dhaxlay Madaxwaynayaashii isaga ka horeeyayba waxba ku noqon waayay oo wixii ka soo fulaan ay noqdeen Wargayso la xidho sidii Foore oo Faallo ka qoray isla arrinkaa iyo cagajuglayn uu ku hayo Shacabkii doortay.

Heesta aan ka soo dheegtay tuducyada kor ku xusan waxaa lahaa oo curiyay Alla ha u naxariisto e
Yuusuf Aadan Xuseen (Allaale) oo ka mid ahaa Hobaladdii Caan baxay ee Waaberi. Yuusuf waxa uu lahaa heeso badan oo tawriya kuwo Jacayl ah iyo Ruwaayado ay ka mid ahaayeen Gar Cadaawe iyo Caashaq, Cilmi iyo Caaddo,
Bad Dhiigga iyo Beer kalgacal iyo kuwo kale iyadoo aan si gooniya u xushay heestiisii wax ma yaqaan kaasi oo uu u tirayay nin ka mid ahaa kuwii is biday qabiil ee qaranimaddii meel iskaga tiiriyay ee xukuumaddii Siyaad Barre oo iskuhalayn  waxa uu doona u fali jiray kaasi oo maalin maalmaha ka mida ku soo dhex dhacay muran ka dhex taagnaa hoballaddii Waaberi intoodii ka qayb qaadatay filimkii laga matalay ruwaayaddii Cilmi iyo Caado.
Waxa jirtay hab loo qaybsan jiray dakhliga ka soo xarooda riwaayadaha la dhigo habkaas oo ahaa in si siman loo qaybsado oo qof walba oo ka qayb qaatay riwayaada ha ahaado muushishan, majaajilayste ama hesaa in la siiyo qayb la mid ah ka kale. Habka waxa jidaysay kooxdii walaalaha hargysa.
Lakiin riwayaadii Cimli iyo Caado film ayaa laga matalay markaa yuusuf iyo hobaladii Waabari ee la dhigay riwaayadu waxay isku qabteen habka loo qaybsanayo. Sidii hore ayaa loo qaybsanayaa iyo mayee tani waa film dhan ee riwaayad maaha ee loo ma qaybsanayo ayaa lagu murmay.
Abwaan Yuusuf iyo Kooxda intooddii kale oo arrinkii falanqaynaya ayaa uu nin ka tirsanaa Ardaaga maxamed Siyaad barre ugu yimi Tiyaatarkii Xamar, isagoo ku jeedsaday Yuusuf kuna  taliyay si aan sax ahayn taasi oo ka cadhaysiisay Yuusuf oo talada go’aankeeda lahaa bacdamaa riwaayaddiisa laga matalay filimka oo ninkani aanu taladeeda shaqo ku lahayn marka laga reebo madaxtaaga qabiil ee uu awooda ku sheeganayo halkaa waxa ka dhalatay Heestaa wax ma yaqaan oo ay ku luuqeeyeen kooxddii danan ee ururka dhalinyaradda laxankana uu ku qaabeeyay Mulaxmiiste Macallin Xasan Giraydh. Hadaba manta oo ay muddo ka soo wareegtay waxa la odhan karaa waa ay nooshay oo kaa iyo kuwii
Uu u tirayay Alle ha u naxariisto Yuusuf Aadan Xuseen heestaa weli waa ay joogaan waliba waxa ay u halabsadeen si uun kursiga ugu sareeya Qaranimadda Somaliland iyadoo aan la mahadin goor kasta iyo goob kasta kuwa noocaas ah.

Aan ku soo Af-meero Maqaalkii mudo 25 sanno ka dib waxa uu Muuse Biixi Cabdi uga jawaabay si toosa su’aashaa Codka Hargaysa ama Xorriyo midkood waydiiyeen ka uu yahay siyaasi ama milatari. Mudo ka yar laba sanno waxa cadaatay inuu ku jahawareeray kursigii madaxwaynenimadda Somaliland oo aanuu lahay hal wiqiyad karti siyaasadeed oo uu ku maarayo hawlihii kula soo darsay oo ay ka anfariireen Shacabka Somaliland taaso oo cadayn u ah ka aad tahay. Waxaan ku leenahy waxaad tahay Milatari macangag ah oo aan marayn karin inta ugu yar
ee qof caadiya maarayn karo haddii aad cadaynteeda u baahatona waa  sida aad u dhex dabaalatay arrinka Axmed Cismaan Geelle, xidhitaanka Foore oo dhaliilay Madaxtooyadda aad Maatidda ku wadhay, gabadanadda reer Maxamed Xasan Dalab, xatooyaddii Guri-Barwaaqo iyo Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Xawar iyo in kale oo badan taasi oo ay dadku hoos kuu leeyihiin waxaad Kursigii Madaxwaynanimadda Somaliland ee laguu cumaamaday ku soo baxaday

Wax ma yaqaan
Wax yaqaan laga dhigaa
Wax ma yaqaanoo
Wax ma yaqaan buu ku soo baxaa

Wax ma yaqaan
Wax yaqaan laga dhigaa
Wax ma yaqaanoo
Wax loo dirtay hagaajin waa

Tolow intuu la gaadhi Muuse wax ma yaqaan Somaliland saddexda sanno ee u hadhahay Allaw aanu dumin wax ma yaqaane.

Qore: Cabdi Muxumed

Cabdimuhumed60@gmail.com

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker