Weli Hoggaamiye lama helin

Madaxweynihii hore ee Daahir Rayaale Kaahin ayaan dhagaystay oo ku talinaya in 18 lagu darro kuraasta wakiillada. Sideedaba hoggaamiyuhu waa ka mushkiladaha xaliya ee maaha mid ka baxsada marka ay hortaal. Mudane Daahir Rayaale shalay wuu ka baxsaday inuu mushkiladaa xaliyo oo wuxuu u riixay in ay ragga ka danbeeyaa xaliyaan.

Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isna waa ka baqay inuu mushkiladaa xaliyo oo wuxuu kaga baxsaday ninkii ka danbeeyay. Mudane Muuse Biixi ayaa isna ka baqay oo u badheedhi waayay inuu xaliyo saami-qaybsiga isna wuxuu ku riixay maxkamadda sarre oo iyaduna xal ka dhigtay in ku meel gaadh weli lagu wado hawsha.
Muddo 17 sanno ah ayay hal mushkilad xalin kari waayeen saddex horjooge oo dalkan soo maray. Saddexduba mushkiladii waxay kaga baxsanayaan jiilasha danbe. Taasi waxay cadayn u tahay in aanay odayaashu ahayn hoggaamiyayaal ee ay yihiin horjoogayaal.

Ha la yaabin haddaad aragto nimankan oo 30 sanno ku dhuumanaya reer hebel iyo qabyaalad; xal kale ayaanay hayn hadday hayaan hore ayay inoo rari lahaayeen. Xisbiga dalka ugu weyn ee Kulmiye waxaa lagu odhanayaa guddoomiyaha waxaa leh doorkan Habar Awal, ku xigeenka koowaadna HabarJeclo; shalay na labadan ayaa kala sareeyay.
Xisbiyadana waxaa loo samaystay in qabyaaladda lagaga baxo oo la isku raaco aragti iyo mabaa’dii umaddeed. Yaa xisbiyada qabyaaladda ku soo celiyay? Maxaa keenay inuu nin masuul ah oo Kulmiye xubin ka ah inuu yidhaa kursiga reer hebel baan ku tartamayaa? Maxaa kuraastii reerro siiyay ee xisbinimo iyo wax wada lahaansho ka kaxeeyay?

 

 

WQ: Imaam CabdiRaxmaan Cismaan

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker