Daawo Nin Ka Sheekeeyey Siduu Uga Baxsaday Ciidamada dowladda IRAN

Nin u dhashay dalka Iiraan islamarkaasna haysta dhalashada UK iyo Iiraan oo wajahayay inuu sagaal sano oo xabsi ah ku qaato gudaha Iiraan ayaa telefishanka Channel 4 uga warramay sida uu uga soo baxsaday ciidamada dowladda, isagoo sheegay inuu ku lugeeyay dhul buuraleey ah.

Ninkan, oo lagu magacaabo Kameel Ahmady, waxaa labo bilood ka hor lagu riday xukun ku saabsan in uu la shaqeynayay dowlad cadow ah, Isagu wuu beeniyay dacwadaha loo heystay.

Mr Ahmady wuxuu ku dhashay dhulka Kurdiyiinta ee galbeedka Iiraan. Laakiin waalidiintiisa ayaa Britain u diray markii ay da’diisu ahayd 18 sano, si uu wax ugu soo barto halkaas.

Sannado badan ayuu joogay UK, wuxuuna aqoontiisa ka bartay jaamacadda Kent iyo Dugsiga Dhaqaalaha ee London. Wuxuu qaatay dhalasho British ah ka hor inta uusan dib ugu laabanin waddankiisa si uu aqoontiisa ugu faa’ideeyo.

Wuxuu go’aan ku gaadhay inuu isku dayo inuu baxsado inta uu damiinka bannaanka ku joogo isla markaana uu sugayo racfaanka xukunka.

Halkan hoose ka daawo Kameel Ahmady oo ka warama siduu uga baxsaday dalkaas.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker