Xasuusteyda Ayaamihii Xayiraadda Waxabarashadda ee Covid-19

19 March 2020 Ayey aheyd wakhtigii lagalley bandooga xayiraadda fayraska karoonaha  isla markaasina   aannu luminey  wakhtiguna naga xaddey farxadii saacaddaha  dheer ardeyda fasalka lagu wada qaadan Jirey,Guud ahaan Waxbarashadda Dalkuna waxa ay hakad ku Jirtey inteeda badan tan iyo Bishii Toddobaad ee sannadka,iyada oo si rasmi ah loo furey horraantii bishii 8aad ee sannadkan.Bahda waxbarashadda dalka waxa waayuhu ku dhuftey waayo-aragnimo cussub oo aheyd (Virtual World).saacadd kasta oo ka mid ah ayaamahaasi ayeyna nolosha ku soo qaateen caalam ku cusub,Macallin kasta iyo Ardey kasta socdaalka iyo safar gaar ah oo waayo-aragnimo ayey u lahayeen soona dhex dhiggeen.Qof kastaa Meel ayuu wax ka billaabey,Mid Bar kulanka bulshadda iska xoojiya oo soo gala,Qof Qalab iyo agab Alaadaha wax lagu dhiggaayo oo ka maqnaa raadsada,Mid E-mail Sameysta,Sameynta Shabekado iyo Guryo Tiknolojiyaddeed,Dirrida Fariimaha Maalinlaha ah,iyo Mid Barta oo fahma Xidhiidhada Cashar Gudbinta  loo soo isticmaalayo waxbarashadda Masaafadda Fog intaba,Tareenkii Cusbnaa ee la wada korey qofba meel ayuu la marey.

March ka hor Jadwalka guud ee waxbarashadda somaliland wuxuu ahaa mid u socda habkii dhaqamiga ahaa ee dalku lahaa,farxad badan iyo riyooyin badan ayaa billowgii sannadka dad badani ay lahaayeen intaan la soo gaadhin badhtamaha sannadka 2020,ayaamihii quruxda badnaa waxa dhaawacey saf marka sardhada karoonaha,waxaana mar qudha lagu waa bariiystey argagax iyo naxdimo  guud oo dunnida daboolley taasi oo albaabada isugu dhufatey waxbarashaddii socotey markii duniddu noqotey Mid Saf mar faafaya.

Macallinka,Koorasyada iyo Xassuustii Karoonaha

Wakhtigii horre wuxuu socdey iyada oo macallinka iyo Ardeyga mid kasta kaalintiisa gudanaayo,Macallinkuna muu aheyn ardey,Ardeyguna muu aheyn Macallin,laakiin xaaladdan cussub labadoodiiba wax ay ka dhigtey Ardey wax barraneysa,Masuuliyadd ayaa macallinka garbihiisa saarneyd ku wajahneyd bixinta,diyaarinta iyo gudbinta cashar ee duruusta Ardeydiisa,Macallin kastaba wuxuu masuul ka ahaa qaabeynta mustaqbalka ardeydiisa si uu ugu diyaariyo fac iyo nolol cussub oo ay ku wajahan yihiin.Macallin kastaa isaga oo Cutubyo maraayo duruustuna u furan tahay ayaa qabtu u dhacdey,Annigu wakhtigaasi waxaan dhiggaayey Kooras qorraal ah (Theory) isla markaasina la akhrisan karo meel fogna ardeyda laga soo gaadhsiin karo,hase ahaate macallimiin badan koorasyada u furnaa ee ay ku qornaayeen waxa ay ahaayeen  kuwo aan masaafad fog lagu gaadhsiin karin ardeyda.Gudbinta Maaddooyinka sidda Xisaabaadka,Sayniska,Muhindisnimada,ITga iwm waa lagu soo dhibaatoodey waxaaney barrayaashu la soo mareen rafaad iyo jab badan.Gudbinta Casharaddana waxa macallimiinta u dheeraa Naxdinta, is illaalinta, iyo Maqalka badan ee wararka dunnida ee la xidhiidhey dadka badan ee tarab tarabka ugu dhimanaaya fayraska karoonaha qaaradaha adduun weynaha.waxaana ku furnaa isku buuqyo la xidhiidha helida ujuurada iyo mushaharaad ku filan noloshooda.

Ujeeddada ugu weyn ee waxbarashadda masaafadda fog waxa ay aheyd in ardeyda loo dhameystiro si kasta oo ay noqotaba Casharadda iyo cutubyada socdey.Macallimiin badan oo  in ay dunidda tiknolojiyadda ka danbeeyaan arkey  ayaa xaaladdaasi dalku soo marey u tafo xaytey siddii ay boodhka isaga tumi lahaayeen dunida cussubna ugu soo guuri lahaayeen.Keyd casharro ah oo loo diyaariyey nidaam ku saleysan Waxbarashadda masaafadda fog ayuu macallin kastaa hadda heystaa dalkana ku soo kordhiyey.qalabyada iyo aalahada wax lagu diyaariyo,casharaddana lagu duubo,waxna lagu gudbiyo ayaa soo galay gacanta macallimiin  badan oo ay iibsadeen Markii horre ka maqnaa.wax kasta  wxa loo rarrey dhanka khadka internetka,waxa ugu badan ee la soo isticmaaleyna waxey ahaayeen Whatsupp’ iyo Googleclassroom.Noocyadii imtixaanaadka ardeyda laga qaadi jireyna gabi ahaantooda nidaam waxbarashadda masaafadda fog ah ayaa macallimiintu kaga soo qaadeen iyaga oo isticmaalay amaro iyo koodhadh Tiknolojiyaddeed.

waayo aragnimadii waxbarashadda masaafadda fog waxa ay macallimiin badan ku tahay tan iyo intii dalka lagu soo noqdey khibrada ugu adag ee ay soo arkeen markii dalku xayiraadda galay.qof kastaa wuxuu gallay naxdin iyo argagax haddana macallimiinta iyo ardeyda waxa la farey in ay guryaha wax isugu dhigaan kuna wada xidhiidhaan.

 

 

 

La soco Qeybta Labaad…………………

Abdifataah M.Ahmed

Ceelaabe_10@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker