” Af-Hayeenka Xisbiga Waddani Wuxuu Qiray in xisbigu ka danbeeyo jabhada Hubaysan Ee Buurta Gacan libaax Gashay ” Xildhibaan Khadar Cali-xakiin oo ka tirsan golaha wakiiladda

Af-Hayeenka Xisbiga Waddani Wuxuu Qiray in xisbigu ka danbeeyo jabhada Hubaysan Ee Buurta Gacan libaax Gashay

Waxaa Qorey Xildhibaan Khadar Cali-xakiin oo ka tirsan golaha wakiiladda Somaliland

“Subax Wanaagsan;

Kadib Markii aan Dib u yara eegay aaladdan ( Facebook) subaxnimadan saaka ayaa indhahaygu qabteen dhawr dhallinayaro ah oo ka faalooday hadal Afhayeenka Xisbiga Wadani igu yidhi laba Caanamaal ka hor.

Waan fadhiyey Goobta, hadalkaasna wax kasoo qaad umaan arkayn, maadaama oo afhayeenku ka faaloonayey ” Go’aan Qaran oo aan ku Qaatay Gole Qaran oo aan ugu Hiiliyey Qaranka JSL”.

Laakiin arrinta Xusidsa mudan ayaa ah in dhallinta Guusha la rabta Xisbiga aan fahamkoodu weli kobcin, haddii fahamkoodu shaqaynayo Clibkaas dadka way ka Qarin lahaayeen sababtoo ah wuxu dhaawac ku ahaa Siyaasadda Guud ee Xisbiga waayo;

1. Afhayeenku wuxu Qiray in Xisbigu ka Danbeeyo Jabhadda hubaysan ee Buurta Gashay, hadalkiisuna wuxu Buriyey hadalkii Xoghayaha Guud ee Xisbiga.

2. Afhayeenka oo ah faafiyaha Barnaamijka Xisbigu wuxu umadda u sheegay in Barnaamijka Meesha lagu hayaaba yahay Qabiil, weliba yahay odaygan ilaah ha u naxariistee magaciisa la Xiijiyey ee Garxajis.

Sidaa awgeed anigu maalintaas waan layaabay laakiin waxa kasii yaab badan qof jecel in Xisbigiisu noqdo Xisbul Xaakim oo hadana faafinaya arrin Xisbigiisa dhabar jab ku ah.

Haddii aan u dhigoba Qaabka Qabiil ee u dhigay si dhaalintu wax u fahamto;

Musharax Xigeena Xisbiga iyo Afhayeenku waxay Golaha ku leeyihiin 4 Xildhibaan waa halka ugu hoosaysa markaan kasoo qabto maxay ka hayaan?

Tirada Awdal maxay ka hayeen? Ali Xaamud inaanu tartamin maxaa sababay?

Sidoo kale Guddoomiyaha Xisbigu muxuu Xildhibaaano hayaa?

Aniga adeerkay Cirro wuxu hayaa kabadan 20 Mudane.

Guul darradu miyaanay ka iman odayada kale?

6 ka Maqan Cirro miyaanay Hogaaminayn Guusha Faratoon?

Miyaanu arrintaa lafteeda Cirro ku faanin kulankii Faratoon iyo Cirro?

Marlabaad hadaan u dhigo sida Qabiilaysan, haddii meeshu Xero Qabiil tahay maxay inaga Dulqabanayaan Xildhibaanaada Qabiilada kale.

Dooddan waa Dood aad u jaban, dhallintana waxaan usoo jeedinayaa soo bandhiga wax yoolka lagu gaadhi karo.”

Tusan oo Tilmaaman.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker