Dibadbaxyo rabshada wata oo ka dhacay Paris

Dibad baxyo qallaase wata ayaa ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Paris ee dalka Faransiiska kuwaasi oo ka dhashay dad Kurdiyiin ah oo Faransiiska lagu dilay.

Dadka dibadbaxyada dhigaya ayaa dab ku tuurayay booliska halka booliska ay ugu jawaabayeen sunta dadka ka ilimeysiisa.

Ma ahan markii ugu horreysay ee Kurdiyiinta ku nool Paris lagu weeraray dalkaasi, qaar ka mida dadka Kurdiyiinta ah oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in careysanyihiin isla markaana murugeysan yihiin oo ay hadda u baahanyihiin caddaalad.

Saddex qof ayaa ku dhimatay weerarkii Jimcihii ka dhacay Paris kadib markii la beegsaday maqaaxi iyo dhaqanka qaabilsan oo ay leeyihiin Kurdiyiinta.

Ninka weerarka qaaday oo isku tilmaamay nin cunsuri ah ayaa waxaa lagu hayaa xarun lagu daweeyo xanuunada dhimirka inkasta oo sababa caafimaad looga sii daayay halkaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker