Bangiga Horumarinta Islaamka (Islamic Development Bank) Oo Malaayiin Dollar ugu Deeqay Soomaaliya

Shirweynihii 44-aad ee Bangiga Horumarinta Islaamka (Islamic Development Bank) ayaa dhawaan lagu qabtay magaalladda Maraakish ee dalka Morooko, kaasi oo looga hadlay Maalgelinta dalalka Islaamka ee ay dhibaatooyinka ka jiraan.

 

Shir-sannadeedkaasi waxaa feer socday Munaasabad uu Bangiga Horumarinta Islaamka ku saxiixay Kaalmo dhaqaale oo dhan 3 million oo Dollar oo la siinayey Somalia, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Calaamiga ee DFS, Dr. C/raxmaan Ducaale Bayleh goobjoog ka ahaa munaasabadaasi.

 

Wasiir Bayleh waxa uu soo dhaweeyey Deeqdaasi, isagoo sheegay inay Dowladda muhiimad siinayso Dib-u-dhiska Kaabayaasha iyo Adeegyadda Bulshadda.

Dhinaca kale, Bangiga Horumarinta Afrika oo qeyb ka ah Sanduuqa Kaabayaasha Somalia waxay soo dhaweeyeen Heshiiska Bangiga Horumarinta Islaamka ee Kaalmadda loogu deeqay Somalia.

 

Lacagtaasi Kaalmadda waxaa si toos ah loogu shubay Sanduuqa Kaabayaasha Somalia (Somalia Infrastructure Fund (SIF), kaasi oo la asaasay bishii October ee sannadkii 2016-kii, si loo taageero Dhismaha Nabadda iyo Dowladnimadda, Horumarinta Kaabayaasha iyo Soo-kabashadda Dhaqaalaha Somalia.

 

Tan iyo markii uu hawlgalka noqday Sanduuqa SIF waxaa taageero dhaqaale ku soo shubay dalalka Maraykanka, Britain, Talyaaniga, Midowga Europe, Bangiga Horumarinta Islaamka iyo kan Horumarinta Afrika.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker