Israa’iil Oo Ruushka Uga Digtay in Suuriya ay Siiyaan Gantaalo Casri ah

Dowladda Israa’iil ayaa uga digtay Ruushka in ay hubeeyaan qaar ka mid ah wadamo ku yaala gobolka.

Rai’sul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa uga digay in madaxwayne Putin in uu hub casri ah siiyo waxa uu ugu yeeray wadamo qayro masuul ah oo gobolka ku yaala.

Netanyahu ayaa sheegay in haddii ay arrintaasi dhacdo ay gobolka ka dhigi karto meel halis ah.

Bayaan ka soo baxay xafiiska rai’sul wasaaraha Israa’iil ayaa lagu sheegay in Mr Netanyahu uu hadalkan sheegay mar uu qadka taleefoonka kula xiriiray Mr Putin.

Hadalka Netanyahu ayaa ka dambeeyay ka dib markii xukuumadda Ruushka ay ku dhawaaqday in Suuriya ay siin doonaan gantaalo cusub oo ah kuwa difaaca hawada.

Gantaaladan oo ah nooca S-300 ee lidka diyaaradaha ayaa lagu wadaa in Suuriya la geeyo muddo labo toddobaad gudahood ah.

Tallaabada Ruushka ayaa timid maalmo uun ka dib markii ciidamada Suuriya ay si kamaa ah u soo rideen diyaarad ay Ruushka leeyihiin.

Ciidamada Suuriya ayaa xilligaasi ka jawaabayay duqayn dhanka cirka ah oo ay Israa’iil fulisay.

Aqalka Kremlin ayaa sheegay in Mr Putin uu carabka ku adkeeyay go’aanka Ruushka ee ah in Israa’iil ay si dadban ugu lug lahayd dhacdadani.

Israa’iil ayaa dhawr jeer oo hore lagu eedeeyay inay duqeyn la bartilmaameedsatay saldhigyo ay leeyihiin ciidamada Suuriya.

Ruushka ayaa ah saaxibka ugu dhaw ee madaxwayne Suuriya Bishar Al-assad.

Militariga Ruushka ayaa saldhigyo ciidamada cirka ay leeyihiin ka hirgaliyay Suuriya halkaasi oo ay diyaaradaha Ruushka ka qaadaan weerarada.

Madaxwayne Putin iyo xukuumadiisa ayaa taageero militari la garab istaagay xukuumada Suuriya ,taasi oo sababtay in ciidamada madaxwayne Asad ay qabsadaan dhul badan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker