Golaha Muslimiinta Maraykanka Oo Furay Dacwad Nin Soomali Ah Oo Lagu Toogtay Maraykanka.

Golaha Xidhiidhka Islaamka iyo Maraykanka (CAIR), oo ah hay’adda u doodda xuquuqda madaniga ah ee Muslimiinta, ayaa ugu baaqday Waaxda Caddaaladda Maraykanka in ay bilaabaan baadhitaan oo lagu ogaanayo toogashadii 2019-kii booliisku u geysteen nin Soomaali-Maraykan ah oo maskaxda ka bukay.

Muuqaal fiidiyow ah oo dhawaan booliisku sii daayay ayaa muujinayay toogashada Bishaar Xasan, oo 31 jir ah, Abriil 1, 2019. Kaddib markii ay askarta booliisku u tageen isaga oo waddo marayey.

Booliiska ayaa ka shakiyay kadib markii ay sheegeen inuu guntigiisa kalasoo baxay hub. Sidaasna ay ku dhacday toogashada lagu dilay.

Saddex bilayska kamid ah ayaa ku furay rasaas, iyaga oo dhawr jeer toogtay. Labo daqiiqo ka hor inta uusan helin gargaar caafimaad ayuu geeriyooday.

Qareenka u doodayey qoyska Bishaar Xasan ayaa sheegay in Bishaar markii hore aysan ahayn in booliska ay joojiyaan. Xubnaha qoysku waxay sheegeen in Bishaar uu qabay arrimo caafimaadka maskaxda ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker