Agaasimaha Madaxtooyada S/Land, Maxamed Cali Bali, waxa uu ka mid yahay Wakiilada u jooga siiba Madaxtooyada, Magafayaasha Dhalinyarada Tahriibiya,

Maxamed cali Bile agaasimaha Madaxtooyada S/Land wuxuu ka mid yahay, Wakiilada Magafayaasha, ee
Ardeyda & Dhalinyarada gubaabiya inay baxaan, tahriibaan, Wadankan aanay sii joogin, waxba u oolin ee
Bada isku shubaan, Magafe u tagaan, Halaaga & saxaraha khataraha naftooda ku biimeeyaan.
Agaasimuhu wuxuu Ardeyda Jaamacada Burco uugu qudbadeeyey, inaanay Qolqol joog noqnin oo aanay sii
joogin Wadanka, ee ay u cararaan Somaliya & wadamada Jaarka, oo ay weliba doonyo ka sii raacaan oo ay
khataraha saxaraha & Bada isku shubaan, oo intey 25 jir & sodon jir yihiin ay ka baxaan Wadanka oo aan cid
da, yar ama dhalinyara ihi ku hadhin.
Hadaba, Qoloda Ma gafaha ayaa Telefoon caruurta kula soo hadasha soo baxa, soo yaaca kaalaya soo dhuunta
oo Dalka waxba haku sugun ee soo taheiiba, kolkaa Agaasimiha Madaxtooyadu saw maha Wakiilka Magafe u
dhex fadhiya ama u jooga Madaxtooyada S/and.
Waayo siduu Ardeyda uula hadlay ee uu u guubabiyey, waa Afkii magafa, kolkaa Maxamed Cali Bile waa Afhayeenka
& Wakiilka S/Land & Madaxtooyada u qaabilsan magafe.
Sidaas Darteed, Muuse Lockal hadii aanu isagi raali kala ahayn, oo aanu kula socon Maxamed Cali Bile Wakiilka u
fadhiya Madaxtooyada Ma Gafe, inuu Xilka degdeg uuga qaado, weliba Ardeyda uu niyad jebiyey ee uu la hor tagay
waxba Dalka idiinma yaalaan, ee carara oo tahriiba ama xamar &Jaarka u shaqo doonta, uu Sharciga hor geeyo
Waayo, isagoo Afkii Madaxweynaha ku hadlaya, oo weliba ku andacoodey Madaxweynaha ayaa i soo direy oo ay
runtiina tahay, waayo gaasimihii Madaxtooyada weeye, Kolkaa Muusaw Dhalinyaradii & Ardeydii Madaxtooyadu
ku tidhi ahriiba, yaaca, Khataraha & Saxaraha isku biimeeya, waayo 25 ilaa 30 jir khatar kasta ku biimeeya naftiina
ayuu ku andacoodey Agaasimahaagii Muusaw ee waxba qiiq isku qarin & hadal la,aan haku jawaabin.
Wabilaahi Tawfiiq.
Asha Jama

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker