Wasiir Ka Tirsan Israel Oo markii u horraysay booqday Dalka Sudan

Wasiirka Sirdoonka dowladda Israel, oo lagu magacaabo Eli Cohen, ayaa markii u horraysay booqday waddanka Sudan, si loo xoojiyo heshiis nabadeed oo labada dal wada-saxiixdeen bishii October ee sannadkii tegay.

Wasiir Cohen, wuxu Khartoum kula kulmay Hoggaamiyaha Sudan Abd al-Fatah al-Burhan iyo wasiirka Difaaca dalkaas Yassin Ibrahim, oo ay ka wada-hadleen Iskaashiga labada dal ee Arrimaha Amniga iyo xoojinta Heshiiskii Nabadda.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay Mr Eli Cohen, kadib markii uu ku laabtay dalkiisa, ayuu ku sheegay in socdaalkiisu uu muhiim u ahaa iskaashiga labada waddan ee dhinacyada Amniga iyo Sirdoonka.

Dhinaca Sudan, weli kama hadlin safarka Wasiirka Sirdoonka Israel, oo aan markii hore la sii shaacin.

 

Halkan hoose ka daawo war iyo faalo ku saabsan xidhiidhka cusub ee Israel and Sudan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker