War DEG DEG ah : Qarax Gaadhi Loo adeegsaday oo goordhawayd ka dhacay Caasimadda Somalia ee Muqdisho

Muqdisho ( OWN ) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goordhawayd ka dhacay Agagaarka isgoyska Ex Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhashay gaari NOHA ah, kaas oo ay rasaas ku fureen ciidamo ku sugnaa halkaasi, kadib markii ay ka shakiyeen.

Intaasi kadib ayaa la sheegay in gaariga uu qarxay, waxaa dhawaqiisa laga maqlay inta magaalada Muqdisho.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay qaraxaasi, waxaana goobta gaaray ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amniga oo ku aadan qaraxaasi.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana ay ciidamadu xireen dhaq dhaqaaqa qeybo ka mid ah waddada aada dhanka magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hose.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker