Madaxwayne Farmaajo oo kulan xasaasi ah Magaalada Muqdisho kula Yeeshay Madaxwaynihii hore ee Koonfurta Africa Thabo Mbeki

Muqdisho (OWN) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa xalay kulan gaar ah xarunta Madaxtooyada kula qaatay Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Africa MR Thabo Mbeki oo hoggaaminaya wafdi sare oo ka socda ururka Midowga Africa.

 

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa lagaga  hadlay arrimo ay ka mid yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, is dhexgalka dalalka Africa, iyo guud ahaan amniga gobolka.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa wafdiga uga warbixiyey midho dhalka dadaallada dib u dhiska dalka iyo caqabadaha haatan heysta Soomaaliya.

“Dagaalka aan kula jirno argagixisada ma ahan mid ku kooban Soomaaliya, waa dagaal u yaalla dhammaan dalalka Gobolka. Wax ka qabashada aragagixisadu waxa ay u baahan tahay jawaab heer Gobol ah iyo aragti mideysan oo aan ka yeelanno xaqiijinta amniga guud ee Gobolka.” ayuu yidhi Madaxweyne farmaajo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Famaajo oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyey in dowladdiisu door muuqdo ka qaadanayso arrimaha is dhex galka dalalka Geeska Afrika

 

Dhinaca kale Thabo Mbeki Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika, haatana ah madaxa guddiga sare ee Latalinta Midowga Afrika ayaa dhankiisa ka hadlay madasha, wuxuuna ka sheekeeyey maqaamkii ay Soomaaliya ku laheyd Qaaradda Afrika iyo caalamkaba.

 

“Sharaf ayay ii tahay in aan Muqdisho imaado 45 sanno ka dib. Waxaan halkan joogay 1974, xilligaas Soomaalidu waxa ay ahaayeen dad mideysan iyo dal xoog leh.” ayuu yirdh Thabo Mbeki

Munaasabaddan waxaa sidoo kale ka qayb-galay, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, Yariisow guddoomiyaha maxkamadda sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed, wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker