Madaxweynaha Koonfur Afrika oo ka digay in dalkiisa lagu xidho madaxweynaha Ruushka Putin

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in isku day kasta oo lagu doonayo in lagu xiro madaxweyne Vladimir Putin marka uu booqdo Koonfur Afrika ay noqon doonto ku dhawaaqidda dagaal ka dhan ah Ruushka.

Madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa digniintan soo saaray toddobaadyo ka hor shir caalami ah oo ka dhacaya caasimadda Johannesburg, kaasoo uu lagu wado inuu ka qayb galo madaxweynaha Ruushka.

Haddii Putin uu u safro meel ka baxsan dhulka Ruushka, waxa uu muteysan doonaa amarka lagu soo xirayo ee ay horey u soo saartay Maxkamadda ICC.

Koonfur Afrika ayaa ka mid ah dalalka saxiixay heshiiska ICC, sidaas darteed waa inay gacan ka geysato xiritaanka Putin, sida uu qabo heshiiskaas.

Si kastaba ha ahaatee, Koonfur Afrika, ayaa horey u diiday inay ka dhabayso fulinta heshiiskaa, iyadoo sannadkii 2015-kii ka dhaga adeegtay in ay gacan ka gaysato soo qabashada, Cumar Al-Bashiir, oo markaa ku sugnaa dalkeeda loona haystay dambiyo dagaal oo dalkiisa ka dhacay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker