Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Oo Heshiis La Gaadhay Dugsiyada Gaarka Loo Leeyahay

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa ka qaybgalay kulan lagaga hadlayey hirgelinta xeer nidaamiyaha loogu talo galay dugsiyada gaarka loo leeyahay.

 

Ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay xubno ku hadlayey afka dugsiyada gaarka loo leeyahay, oo sheegay in waxa kaliya ee laga wada shaqeynayaa ay tahay dant guud ee waxbarashada dalka mid dawli ah iyo mid gaar loo leeyahayba, isla markaana ay goobaha waxbarashadu gacanta ku hayaan mustaqbalkii dalkan iyo dadka, waxayna intaas raaciyeen in uu dhamaaday isfahamwaagii ka jira xeer nidaamiyaha waxbarashada ee dugsiyada gaarka loo leeyahay heshiisna laga gaadhay.

 

Geesta kale, agaasimaha waaxda hantida ee wasaaraddaas Yuusuf Xuseen, agaasimaha waaxda manaahijta ee wasaaraddaas Cabdilaahi Yaasiin Diiriye, agaasimaha waaxda waxbarashada tooska ah Xuseen Cabdi Cawil, agaasimaha guud ee wasaaraddaas Axmed Abokor Maxamed iyo agaasimaha tacliinta sare ee wasaaraddaas Axmed Muuse Muruud, oo halkaas ka ahdlay ayaa ku dheeraaday ahmiyada ballaadhan ee uu xeer nidaamiyuhu u leeyahay guud ahaan bulshada Somaliland gaar ahaan wasaaradda waxbarashada, dugsiyada iyo ubadka wax ka bartaba, waxayna sheegeen in si rasmi ah heshiiskaas looga gaadhay xeer nidaamiyahaas.

 

Gabogabadii waxa goobtaas ka hadlay wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo u mahad celiyey dhamaanba masuuliyiintii kulankaa ka soo qaybgalay ee ka kala socday wasaaradda iyo dugsiyada gaarka loo leeyahay, wuxuuna kula dardaarmay bahda waxbarashada in xooga la saaro tayeynta iyo kor u qaadida Afka Soomaaliga, isaga oo intaa ku daray in Afka Soomaaligu yahay luuqada koowaad ee ku cad dastuurka dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker